Thursday, January 31, 2008

Somaliland Iyo Dawladda Imbigaati Oo uu Loolan Diblomaasiyadeed Ku Dhex Marayo Xarunta Midowga Afrika Ee Magaalada Addis Ababa

(Waridaad) - Xarunta Ururka Midowga Afrika oo uu hadda shir uga socdo Wasiirada Arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa shalay si weyn looga dareemay loolan diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Dawladda somalia Wasiiro ka kala socda labadaas dhinac, ayaa dhaqdhaqaaqooda iska soo horjeeday si weyn looga dareemay mid ka mid ah hoolasha xarunta Midowga Afrika oo ay shalay ku shirsanaayeen wasiirada khaarajiga ee wadamada Afrika, halkaas oo lagu diyaarinayo Ajandayaasha la hordhigi doono Madaxweynayaasha Afrika oo uu shirkoodu furmayo dhici doono 31-Jan—2 Fep 08.

sida ay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland u sheegeen Geeska Afrika, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Safiirka wareega ee Somaliland Maxamed-Aar, ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, waxaanay shalay isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta Midowga Afrika, halkaas oo la sheegay inay ku guulaysteen inay gudaha u gallaan hool ay ku kulansanaayeen wasiiro metelayay wadamadooda oo ku hawlanaa dejinta Ajandayaasha la hordhigi doono Madaxda Afrika. Sida ay ilahaas Wasaaradda Arrimaha dibadda ka tirsani u sheegeen Geeska Afrika, waxa gelitaanka Mr. Ducaale ee goobtii shirku ka socday ka gadooday Wasiirka Arrimaha dibadda ee dawladda Imbigaati Cali Jaamac Jeengeli iyo laba masuul oo kale oo metelayay dawladda Imbigaati, kuwaas oo ku dooday inaan cid Somaliland matalaysaa geli Karin shirka, maadaama sida ay ku doodeen ay iyagu metelayeen dalka Somaliya. Weftiga Somaliland waxa la sheegay inay ka ololaynayeen gudaha kaamboolka Midowga Afrika, halkaas oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah Wasiirada dawladaha Afrika ee shirka jooga.

Weftiga somaliland waxa ay dedaal ugu jiraan in ajandayaasha Wasiirada ee la hordhigi doono Madaxweynayaasha Afrika lagu daro qaddiyadda Somaliland, halka masuuliyinta ka socda dawladda Imbigaatina taas ka dagaalamayaan. Weftiga Somaliland waxa la socda weriyayaal ka tirsan Telefiishanka qaranka, kuwaas oo iyaga si rasmi ah loogu ogolaaday inay ka qayb gallaan furitaankii shirka Midowga Afrika ee Axadii doraad.

Source: Djibouti Nation

No comments: