Sunday, February 03, 2008

Madaxweyne Riyaale oo xadhigga ka jaray Miiska Saraakiisha, amarna ku bixiyey dhismaha State Houseka

(Waridaad) -) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta xadhigga ka jaray Miiskii hore ee Saraakiisha oo dib loogu dhisay ciidanka Qaranka. Waxana uu amray sidoo kale, in dadka laga raro gurigii hore ee State House-ka, halkaas oo uu sheegay inay noqon doonto Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Riyaale waxa uu furitaanka dib u dhiska Miiska Saraakiisha ku beega munaasibadda xuska sannad-guurada 14aad ee aasaaska ciidanka Qaranka oo ku beegan 2da February.

Madaxweyne Riyaale oo subaxnimadii hore ee saaka intii aanu tegin Taliska Guud ee Ciidanka oo lagu qabtay xafladda xuska munaasibadda Ciidanka Qaranka xadhigga ka jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha, waxa uu ku ammaanay Taliska Ciidanka Qaranka sida ay u dhiseen goobtaas oo ahayd meel ay reero degganaayeen tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday sannadkii 1991. Waxana uu sheegay in meelaha kale ee dowladdu leedahayna sidaas oo kale loo dhiso.

“Maayorka horena waan uga wadahadalay, waxaan adigana kugu amrayaa [Maayor Jiciir] in State House-kii aad bannayso, isagana insha allaahu aan dhisno oo noqon doona meesha mustaqbalka Madaxtooyada noqon doonta,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: