Saturday, January 12, 2008

Waftigii Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland oo Soo Gaadhay Caawa Fiidkii Magaalada Washintong DC

(Waridaad) - Caawa fiidkii markii ay saacadu ahayd Abaaro 7:30 Pm, ayaa waftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Jamhuurida Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ka soo degeen gegada dayuuraduhu ka haadaan ee loo yaqaan "Dulles International Airport", halkaas oo 26 Mile dhinaca galbeed ka xigta magaalada Washington DC, oo ah (Caasimada Dalka Maraykanka).
Wax yar ka dib markii ay diyaaradii waftiga madaxweynaha siday soo cago dhigatay, ayaa madweynaha iyo waftigii la socday oo ay hareeraha ka garbinayaan raxan saraakiil ah oo ka kala socotay wasaaradda arimaha dibeda ee dalka Maraykanka (State Department) iyo askarta dhar cadda ah ee ilaalisa wufuuda (uniformed Secret Service) ka soo baxeen qaybta VIP ee Airportka, isla makaana waxa si deg deg ah loogu hubsaday kolonyo baabuur ah oo sugaysay waftiga madaxweynaha.

Sida ka muuqatay hab dhaqanka (Protocol ka) soo dhaweynta madaxweynaha ay ugu talo galeen dawladda Maraykanku, waxa halkaa ka caddayd in aanay ugu talo galin cid ka tirsan Jaaliyadda Somaaliland oo ku soo dhawaysa madaarka. Tifaftiraha Harowo.com oo joob joog ka ahaa markii ay soo baxeen waftiga madaweynuhu, ayaa waxa noo suutoobi weyday in aanu ku dhwaano ama aan waxa hadal ah la gaadhno waftiga madaxweynaha, sababta oo ah saraakiisha masuulka ka ah soo dhaweynta waftiga oo aan ogoleen cid u soo dhawaata waftiga.

Waftiga oo ay horey iyo gadaalba ka socdeen baabuurta askarta oo ay u daaran yihiin nalalka cas cas (emergency Lights), ayaa waxa loola kacay huteel ku yaal badhtamaha magaalada Washington, halkaas oo ay deganaan doonaan inta ay martida u yihiin dawladda Maraykanka.


Dhinaca kale Jaaliyada Somaliland ee Degan Waqooyiga America, ayaa ku ku soo qulqulaya magaalada washington DC, halkaas oo sida la sheegay ay kula kulmi doonaan madadwynaha Somaliland Salaasada soo socota (Jan. 15-2008).

Xigasho:Harowo.com

No comments: