Sunday, January 13, 2008

Ciidamada Qaranka ee Jiida hore oo Saaka Jabiyay Maleeshiyo Majeerteeniya oo soo Weeraray

(Waridaad) - Ciidamada Qaranka ee ku sugan Jiida hore ee Sool ayaa Saaka abaaro 5:30 subaxnimo waxa weerar ku soo qaaday Maleeshiyo Majeerteeniya oo isku soo urursaday Aaga Dhabansaar, waxana isla markiiba la jabiyay cadowgii soo weeraray ciidamada Somaliland looguna geystay khasaare fara badan oo ay ka mid yihiin gaadiid, Isgaadhsiin iyo Maxaabiis intaba.

warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu faah faahiyay weerarkan, waana sedan:

‘’waxa saaka 5:30 subaxnimo ku soo qaaday Weerar ciidamada Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool Ciidamo isku soo urursaday Aaga Dhabansaar oo 70 km dhinaca Koonfur ee hawdka ka xigta Magaalada Laascaanood.

halkaasna waxa lagu jabiyay cadowgii looguna geystay khasaare fara badan oo ay ka mid yihiin gaadiid , Isgaadhsiin iyo Maxaabiis intaba , iyadoo ciidanka Somaliland ka qabsadeen cadowga Fadhiisimadii ay weerarka ka soo qaadeen firdhadkoodiina ay ku noqdeen dhinaca Majeerteeniya.

Ciidamada Majeerteeniya ee soo duulay waxa laga qabtay 20 Askari oo Maxaabiis ahaan looga qabtay oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Majeerteeniya ee aaga Koonfureed Kornayl Dayr Cabdi Iskatoos iyo Laba sarkaal oo kale .

Waxa kale oo cadowga laga qabtay gaadiid Tikniko ah iyo qalabka Isgaadhsiinta ee ciidamadu isticmaalaan oo faah faahintooda Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ay dib u soo sheegi doonto.

Somaliland iyo ciidamadeedu dib ugu dul qaadan maayaan cid alle cidii isku dayda soo fara gelinta xuduudaha Somaliland’’.

Xigasho: Somalilandnation

No comments: