Monday, February 18, 2008

Dr. Taniyow Siyaad Barreba rag baa sacabbada u timi jirey

(Waridaad) - Taariikhda siyaasadeed ee Somalidu meelo badan bay soo martay. Waxase weligeed jirtey laba weji oo hadhow taariikhu midba si u xusto. Hadaynu soo qaadano taariikhdii Siyaad Barre, waxaa jirey machine sacabada utumi jirey oo taageerada ay la daba taagnaayeen maamulkii Afweyne geyeysiisey ama ka yeedhsiiyey hadalo diinta lagaga boxo. Taageerayaashii Afweyne oo qaarkood ka soo jeedeen Somaliland waxay simeen ama is barbardhigeen Siyaad Barre iyo Suubaneheenii “Nabad Gelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee” Waxay yidhaahdeen, “Adiga, Afweynow Maxamed baalagu yidhahaa, Nebi Maxamedna SCW waxa la odhan jirey Maxamed.Xaaskaagu mageceedu waa Khadiijo Nabigana SCW xaaskiisa waxa la odhan jirey Khadiijo…And so on, and so forth.

Ragaa is barbardhigay Nebiga iyo Siyaad Barre iyaba rag bay ahaayeen taariikhda meelkasta ha ka galeene. Ragaasi isma weydiin in axadkan ay taageerayaan ummadu u aragto ama uu yahay Fircoon dhigiisa, magacyadan sida “accidental” ah isugu beegmayna aanay ahayn wax lagu kadsoomo. Raga qaar ayaa sidaa ku god galay!

Maanta oo aynu ka wada dheregsanahay hogaan xumanta iyo maamul xumada (lack of leadership) wadanka haysata, waxa ayaan darro ah in Dr. Tanioo mujaahid ahi umada daasado madhan u garaaco oo hadh iyo habeenba u alalaaso taagerada maamulka maanta jira. Waxu ku dhowyahay in diktoorku halkii rag Siyaad Barre gaadhsiiyey ay kala dhacdo. Diktoor hadaynu sacabada u garaacno dawladan tayada daran ee maamulka xun, maxaynu kaga duwanaanaynaa ragii sacabada u garaacayey Siyad Barre markii lagu xidhay adiga iyo ragii aad ku jirtey, ama UFO IWM. Sidee ayayse dareemayaan Dr. Gabose iyo Maxamed Xashi oo Kangroo court ku xukuntay cellkii ay ku xidhnaayeen? Miyaan principle jirin? Mise labadii doorasho ee midna Riyaale loo mustafeeyey midna sidii ay xukuumadu doonaysey ay uridey ayaad aduunba ku ilowdey?

Raggiina manta Riyaale sacabka u tumayaa, maxad ku taageeraysaan? Ma waxaad ku taageeraysaan xukun hagaagsan (Statesman, good administration) ama (leadership), ma horumarin? Miyaanay ceeb ahayn inaad sacabka u tuntaan ninkii sidii inuu marfish ka sheekaynayo, amase qaadlaha inoola hadlay kolkuu yimi caasimada Markaykanka. Ninkii ina lahaa Cabdulaahi yare iyo Cawil baa Gamibiya ku ambaday, ama Cawil baa Kenya lagu budheeyey isagoo ictiraf doonaya, ma ninkaasaa America ka dhaadhicin kara qadiyada Somaliland? Ama istaahila in sacabka loo tumo?

Waxa mudan in laga hadlo dawlad xumida ina haysata, iyo sidaynu dadkeena wax ugu qaban lahayn. Inaynu ka hadalo arrimaha muhiimka ah sida:In Guurtida, Maxkamada Sare, iyo 5 ka mid ah Gudida dorashooyinka ay u xidhan yihiin ama hoos yimaadaan Madaxweynaha. In aanay jirin liberty oo muwaadinka iyadoo aan maxkamad la saarin uu iska jiro jeelka mudo dheer. In Hay’adihii non-profit ahaa sida SHURONET ay dawladu lawareegtey. In Madaxtooyadu aanay la shaqayn Barlamanka, oo aan sharci qudha oo ay Barlamnku ansixiyaan aanu Madaxweynuhu fulin. In shirkadda Patrolku Madaxweynaha u xidhantahay. In xoolaha nool dawladu u xidhay nin ajinebi ah. In dekedeenii Geeska Africa ugu weynayd ay tahay Ghost town. In cashuur ururini aanay jirin. Inuu wadankii musuqmaasuq isaga baxay oo dawladu shaqayso tobanka ilaa salaada duhur. In ummadii ay cabudh santahayoo Saxaafadu cabudhsantahay. In Radiyow Hargeysa, ka keliya ee wadankaka jiraa aanu gaadhin Sheekh. In wasiirada qaar abadiya yihiin lakowsadey madaxbanaanideena. Wuxu yidhi Adan Tarabi, “cadceedaan dhamaanine ma ilayskii dunidaa”? Arrimahaa iyo inta aanan soo koobi karinee badan ayaa mudan in laga hadlo.

“Caano ninkii soo lisay la yaqaano, nin kastaaba ha keeno”.Libinta waxa iska leh shacabka Somaliland. Libinta waxa leh dumarkii caruurtooda iyago sida bisada ilkaha ku sita la galay xeryihii qaxootiga, iyaga mudan in sacabada loo tumo. Ragii sida kartida leh gaashaanka ugu daruuray oo u waajahay ugana soo hor jeestey Afweyne ayaa mudan in sacabkaloo tumo. Ragii nabad gelyada ka sheqeeyey ee Somaliland u hagoogteyayaa mudan in sacabka loo tumo. Nabad gelyada aynu ku faanaa shacabkeena ayay ka timi, shacabkeena ayaa mudan in sacabada loo tumo. Riyaale ma muto, mana geyo!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

USA

No comments: