Wednesday, February 20, 2008

Wakiilka J. Somaliland U fadhiya dalka Kenya Iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka Dr. Condoleeza Rice oo Kulan ku Yeshay Magalada Nairobi.

(Waridaad) - Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland ufadhiya Dalka Kenya Mudane Maxamed Nuur Ahmed (Indhabuur) iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka gabadha la yiraahdo Condoleeza Rice ayaa yeeshay shir ay arimo badan Quseeya oo ay sigaar ah labada Masuul uwada yesheen kadib Booqashadii Wasiirada Arimaha Dibada ee Maraykanka ay ku timid Dalka Kenya Gaar ahaan Caasimada Nairobi.

Shirkaan ay wada yesheen ayaa ka dhacay Guriga Magaalada Nairobi uu ka dagan Yahay Safiirka Dalka Maraykanka u fa dhiya Dalka Kenya Mr Michael Ranneberger iyagoona shirkaan uu soconaayey Mudo Saacada ah isagoona Shirku uu ahaa Shir gaara oo ay san Saxaafadu kasoo qayb galin oo ay Banaanka Ka Kajogeen Bahda Warbaahintu.


Wakiilka Somaliland ufadhiya Dalka Kenya Mudane Indhabuur ayaa Shirkaan ka dib Saxaafada kula hadlay Guriga Safiirka Maraykanka ufadhiya Dalka Kenya, Wakiil Indhabuur ayaa sheegay in Shirkii isaga iyo Condoleeza Rice uu kusoo gaba gaboobay jawi aad uwanaagsan ayna kaga wada hadleen arimo badan oo quseeya Xariirka labada dal ee Maraykanka iyo Somaliland.

Indhabuur ayaa Saxaafada usheegay in Xoghayaha Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka Condoleeza Rice Ay Fariin gaar ah oo uu san haatan Faah faahin dheer ka bixinayn ugu dhiibtay Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kalana waxa uu sheegay in ay Salaan Diiran ugu Dhiibtay Shacabka iyo Dawlada Somaliland oo ay ku Amaantay Nabda iyo Dimuquraadiyada ay dalkooda Garsiyeen.

Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya Mudane Indhabuur ayaa in taas kusii daray in Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Rice ay Amaan Usoo jeedisay Ciidanka Somaliland ayna uga mahad naqday Sidii Qiimaha Badnayd ee ay uga hortageen Falkii Afduubka Ahaa ee Kooxaha Argagixisado ay ka geysteen Degaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ee lagula Kacay Nin kii Germani u dhashay, Rice ayaa sheegtay in Ciidanka Somaliland ay yihiin kuwo Aad uwanagsan Amaanka Gobolkana Sifiican u ad kaynaya.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Condoleezza Rice ayaa sheegtay in bisha Afaraad ee April ee Sanadkaan 2008 Dalka Somaliland ay booqan donaan Xubno ka socda Barlamaanka Maraykanka sidaas waxaa Saxaafada uxaqiijiyey Wakiil indha buur oo Warbaahinta la hadlayey kadib shirkii Isaga iyo Condoleezza Rice ay wada yesheen.

Indhabuur ayaa sheegay in Condoleezza Rice ay usheegtay in Ciidanka Bada ee Somaliland ay tageeri donaan Dhawaan Ciidamada Maraykanka ee Xeebaha Geeska Afrika Jooga, Rice ayaa Ammaan ugu soo jeedisay Jamhuuriyada Somaliland sida ay Xeebaheeda uga ilaaliso Kooxaha Burcad Badeeda ah iyo Kooxaha Argagixsada Ah. Xoghayaha Arimaha Dibada ee Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in Maraykanku uu tageerayo Barnaamijyo kala duwan oo lagu tageerayo Hormarka Dhaqan Dhaqaale ee Dalka Somaliland.

Ugu Dambaytii Sida Wakiilka Somaliland ufa dhiya Dalka Kenya Mudane Maxamed Nuur Ahmed indhabuur uu sheegay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Condoleezza Rice Ayaa Cadaysay in Maraykanku uu dhinaca Dhaqaalaha ka taageeri doonaan Doorashooyinka Somaliland ee soocda , Sidoo kalana Wasiirada ayaa sheegtay in ay aad ugu farxeen Qaabkii Dimuquraadiga ahaa ee Doorashadii Hore ee Somaliland ay udhacday ayadoona ku tilmaamtay in ay tahay Dimuquraadiyad lagu faano oo Geeska Afrika kasoo Iftiintay.

Xigasho: Hadhwanaagnews.com

Wariye Jamaal Maxamuud Shuuriye
Nairobi, Kenya

No comments: