Thursday, February 14, 2008

Ictiraafka Somaliland Guulwade Dhuumanayaa Ma keeni Karo

(Waridaad) - Guurti ayaa keeni karta aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka. La tashi , xulasho, xaqiiqada oo la waajaho, hagar la'aan iyo shaqo badan ayaa lagu sahan tegi karaa marka la rabo in dunida loo sheego waxa ay Somaliland doonayso. Haddii laga ilaaliyo waaya-aragga iyo aqoonyahanka, aan ogaano in aanay dunida ka shaqayn guulwadayntu.

Ma soconayso inay Dawladda Riyaale caalamka indhaha ka xidho oo ay ka leexiso xaqiiqada dhabta ah iyo duruufaha somaliland ku suguntahay, mana filayo inay u suuroobayso inay caalamka ku qanciyaan inay wararka ka qaataan TVga Dawladda, Idaacadda Hargeysa iyo Wargeyska Maandeeq ee sida is daba joogga ah u soo gudbiya sawiro iyo faalooyin waaqica ka durugsan. Malaha waxay dawladdu ku fekertey inay ula dhaqanto caalamka sida ay ula
dhaqanto shacabka gudaha oo ay been iyo warar aan jirin oo dacaayad u badan ku qarqiso.

Guulwadayn ku iman mayso in Somaliland Ictiraaf dunida kaga kasbato. waxaynu aqoonsi heli karnaa marka aynu xulano aqoonyahan aaminsan qaddiyadda kuwaas oo aan loo eegin xisbiga uu yahay ama lagu qiimeyn inuu dawladda iyo Madaxweynaha daacad u yahay ee lagu soo naqaysto daacadnimo, karti, aqoon iwm. Haddii taa la waayo waxaad ogaataa in ay kugu soo fool leeadahay in ama lagu dhaco ama lagu xidho ama aad amaan weydo oo aan uga jeedo marka mamulka dalka hagayaa uu sii liciifaba waxaa kugu soo fool leh khatarta aan kor ku xusay.

Aqoonsi buuxa oo Somaliland hesho Waxa shardi u ah inay marka hore dawladdu dhamaystirto wixii dhinaceeda ka dhiman . Madaxweynuhu markuu dhowaan socdaalka ku tegey carriga Maraykanka ee uu la shiray saraakiil ka tirsan maamulka Maraykan waxyaabihii la weydiiyey jawaabohoodii wuu ku haftay isagoo isku deyey inuu garab maro xaaladda Somaliland balse waxa loola garnaqsaday sida ay dadka gudaha jooga ee dhaliila waxqabadka xukuumaddu uga hadlaan arrimaha dalka. Ictiraaf doonistu Noqon weydey arrin si fudud loola cararo oo laga ilaaliyo inta ay khusayso sida Xisbiyada Mucaaridka ah,Golleyaasha, Aqoonyahanka, jaaliyadaha Somaliland ee dibedaha ku dhaqan gaar ahaan wadamada uu tegey madaxweynaha iyo wefdigiisu,saaxiibada shisheeye ee u ololeynaya sidii Somaliland u heli lahayd Aqoonsi caalami ah. Waxa aad naxdin u lahayd markii ay soo baxday inuu Madaxweynuhu baal maray ama dhayalsaday khubaro maraykan ah oo wax laga weydiiyo arrimaha caalamka siiba geeska Afrika.

Waxa muuqata inuu caalamku waqtigan xaadirka ah aad u daneynayo Somaliland. waxa inagaga filan talaabooyinkii ugu dambeeyey ee la shaaciyey sida xisbiyada Yurub qaar ka mid ah oo ka dalbaday dawladohooda inay tixgeliyaan ictiraafka SL, Koox ka tirsan barlamaanka Ingriiska oo iskood uga shaqaynaya ictiraafka SL, Aqoonyahanno Maraykan ah oo ku hawlan in ictiraafka SL la horgeeyo Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Hase yeeshee,waxa la garan la' Riyaale iyo tirada yar ee uu kala xaajoodo arrintani oo si gurrac ah wax u wada markaa ma la fili karaa aqoonsi cir ka soo dhac ku yimaada. Waxa quman inay dawladdu wejiga siiso xaqiiqada oo ay u aragto inay tahay arrin u baahan in laga wada qayb galo oo miisaan iyo aqoon lagu sahamiyo.

Waxaynu ognahay in Wufuud tiro badan oo Somaliland marar badan ku soo noqnoqday kana kala yimid dawlado aan yarayn oo reer galbeedka ah kulamana la yeeshay Madaxweynaha iyo Dawladda ay ku celceliyeen in dawladdu ka shaqayso dhiiri gelinta calaamadaha u gaarka ah dimuqraadiyadda. Madaxweynaha iyo dawladaba si fudud oo qodobaysan ayaa loogu sheegay in ay tirtiraan guddiyada nabadgelyada ee sara joogga wax ku xukuma, saxaafadda oo aan la farogelin, musuqmaasuqa oo dawladdu si muuqata wax uga qabato, cadaaladda oo lagu dhaqmo,Xoriyadda hadalka iyo banaanbaxyada aan fawdad abuurayn oo la oggolaado, dhaqaale madaxbanaan, talada dalka oo la mideeyo si aan koox gaar ahi u meelmarsan, doorashooyin xor ah iwm. Wufuudaas go'aanka iyo talada ay dawladda iyo Madaxweynaha isla meel dhigeen waxay ahayd sidii dawladdu u hirgelin lahayd saamiga ay ka qaadan karto ictiraaf ay hesho Somaliland markaas ayay iyaguna wixii ictiraafka ku lug leh ee looga baahdo fulin karaan. Weli dawladdu ma fulin arrimahaas markaa miyaanay ka dhignayn Somaliland oo Soor Sacabka u Saaran sibqinteedii u la' garaad ?

Ma filayo inta kooxdan maamulka yeelatay ay joogaan in la helo Ictiraaf Caalami ah sababtoo ah:

1. Aqoontii lagu keeni lahaa ictiraaf caalami ah oo aanay lahayn Madaxweynaha iyo inta la shaqaysaa. Inta aqoonta leh ee madaxweynaha had iyo jeer la socota waxan ku tilmaami karaa niman u jibeysan Riyaale oo aan ku kalsoonayn cilmigooda iyo ra'yigooda.

2. Iyadoo aanu marna Madaxweynuhu si dhab ah uga warbuuxin waxa uu kala soo kulmay ciddii ay is arkeen oo uu weliba caadeystey inuu bixiyo jawaabo uu isagu dadka u allifo. Immisa jeer ayuu Madaxweynuhu inoo sheegay rajo fiican oo aany waxba ka hirgelin. Mar keli ah inooma sheegin waxa laga dalbaday isaga haddii uu rabo in lagala shaqeeyo gooni isu-taagga Somaliland.

Ugu dambayntii, waxa inala gudboon in aynaan dib dambe waqti ugu lumin xisbiga Udub oo aynu ka dhowro inuu ictiraaf inoogu maqanyahay ama keeni karo. Waxa inagu khasab ah inaynu dib u fekero oo halhays ka dhigano " Udub in lagu barto waan hoos joogney" codkaagana aad kaga qayb qaadato sidii aad u dooran lahayd inta hawshani ay ka niyad tahay ee aqoonta u leh. Marka aad sidaa u tashato waxaad heli kartaa shaqo iyo sharaf aad gurigaaga ku fadhido. Hadaba, inta aad ka baxdo sheekada ku dishootey ee ah waxa inoo maqan Cawil iyo Cabdilaahi oo albaab kasta garaacaya, adigu is weydii su'aasha ah, Ictiraafka ma waxaynu u diranaa Guurti mise Guulwadayaal ? Su'aal labaadna aan ku weydiiyee maxaad ka ogtahay ama aad xansatay ee uu Riyaale kala hadlay Jendayi frazer fadhigii ay ku yeesheen Hargeysa ? Waxa la leeyahay dadkaba SEYLAD baa loo samaynayaa.

Cabdi X. CiiseAbu Dhabi

No comments: