Thursday, February 14, 2008

WAFDIGA GOLAHA WAKIILADA IYO BARLAMAANKA WALES

(Waridaad) - Khamiistii bishan February 08, 2008, waxa magaalada Cardiff soo gaadhay Wafdi ballaadhan oo ka socday Golaha Wakiilada. Waxa wafdiga hoggaaminaayey Mudane Xuseen Maxamed Cige oo ah Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Guddoomiyaha Guddiga Seddexda xibi ee Ictiraaf Doonka . Guddiga Ictiraaf-doonka oo xubnahoodu ka socdaan seddexda xisbi qaran ayey ka koobnaayeen wafdigani.


Wafdiga oo ay ku biireen Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliland Axmed Carwo, iyo Agaasimaha Cabdikarim Aaden, waxa Golaha Ku soo dhoweeyey xubno ay horkacayso Guddomiye ku xigeenka Golaha ( Deputy Speaker), Mrs Rosemary Butler AM iyo xubno ka socday xisbiyada Wales oo dhan: (Labour, Plaid Cymru, Conservative, iyo Liberal) Waxa xigtay wareejin lagu soo wareejiyo wafdiga dhismayaasha Golaha oo loo sharxaayo, hawl qabadka xafiisyo iyo dhismayaal kale. Dhismahan oo casri ah waxa lagu yaqaan dhisme lagu dhisay fikrad ah isku-filaansho dab iyo nalba.(Recycled energy ).

Waxa xigtay shir ay labada daraf si qotodheer ugu wada-hadleen. Waxaa hadalka furtay Guddoomiye xigeenka Golaha Wales, Mrs. Rosemary Butler oo soo dhoweyn, iyo taariikhda Golaha iyo jaaliyadda Soomaliland ka hadashay, iyadoo si weyn u amaantay Jaaliyadda iyo xidhiidhka wacan ee ay isku-xidhka labada dal kaga jirto. Waxayna si kooban uga hadashay inay diyaar u yihiin wax kasta oo suurtagal ah inay la qabtaan dhismaha Dimuquraadiyada, si gaar ah taakulinta Barlamaanka soo koraaya ee Soomaliand.Waxayna ku wareejisay wafdiga si ay u sheegtaan meelaha wax lala qaban karo.

omiye Mudane Xuseen Maxamed Cige ayaa wafdiga u hadlay, waxuuna yidhi “ Waxaan salaam qaali idiinka sidaa xukuumad, barlamaan iyo shacbiga Soomaliland oo aad u qiimeeya xidhiidhka wacan ee labada dal iyo labada dadba ka dhexeeya. Waxaana xus mudan taariikhda faca weyne ee Jaaliyadda Soomaliland dalkan ku leedahay sidaad sheegtay. Cardiff iyo Wales waxaad moodaa in UK inteeda kale nooga duwanyihiin, waxaana taas dhaliyey idinka iyo Jaaliyadayada oo xil weyn horumarinta xidhiidhkeena iska saartay. Iyadoo xildhibaanda kalena ka hadli doonaan, si kooban haddaan u sheego baahiyaha aan dal ahaan qabnaa waa mid meel kasta taabanaysa, dhaqaale, tacliin, farsamo, dhismayaal (infrastructure) Tan aanu Gole ahaan qabnaana kama yare kuwaas.”

Waxa kale ee Mudane Xuseen ka hadlay oo uu faahfaahiyey taariikhda Soomaliland tii isticmaarka, tii halganka iyo gooni-isutaaga. Waxuuna culays saaray dhismaha dimuquuraadiyada xisbiyada badan, iyo hirgelinta seddexdii doorasho, iyo u diyaar garowga kuwa soo socda.

Waxaa xigtay dood labada dhinacba isla falanqeeyeen meelaha wax-ka-qabadka laga bilaabo, iyadoo lagu salaynaayo awoodda iyo sharciga barlamanka Wales. Waxa Mudane Rosemary sheegtay in iyago ay haystaan barlamaan ahaan miisaaniyad ka baxsan tan xukuumadda Wales, oo ay tahay tan ay maanta halkan kaga hadlayaan, inkasta oo ay aad uga yartay tan xukuumaddu awoodda u leedahay.

Guddoomiayha Jaaliyadda Axmed Carwo, ayaa mahadnaq uu labada Barlamaan u jeediyey debedeed xusuusiyey in la dabo galo wadahadaladii hore ee labada barlamaan dhex maray oo isla mawaadiicda manta lagaga wada hadlay, arrintuna noqoto dhaqangelin ee ayna marwalba u eekaan arrin cusub.

Waana leysla gartay in laga dabotago, tan maantan lagu xoojiyo. Waxaa leysla qaatay:

1-In xidhiidhka labada Gole noqdo mid joogta ah, iyadoo dhinaca Wales laga abuuro Guddi Xisbiyadu u dhan yihiin oo daneeya Soomaliland.

2- In Tababar shaqo loo fidiyo Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan arrimaha Guddiyo hoosaadka iyo guud ahaan horumarinta hawlaha barlamaan dimuquraadi ahi u baahan yahay. Tababarada waxa ka mid ah in leys-weydaarsado xubno muddo ka hawl gal dhinaca kale. (Mentoring and shadowing).

3- In laga caawiyo dhinaca sharci-dejinta iyo isku-dubaridka mashruuc sharci .(Bill-drafting), iyo hawlaha xoghaynta.

4- Waxa iyana la soo qaaday in Wales eegto, ka-qayb-galka dhisme cusub oo ku habboon maqaamka iyo shaqada barlamaanka, gaar ahaan Qolka doodaha ( The Champer ), oo dhib weyn ku haya socod-siinta hawlaha looga baahan yahay wakiilada.

Waxa xusid mudan in barnaamajkani ka duwan yahay kii Jaaliyaddu ka heshay Xukuumadda Wales ee isku xidhka Iskuulada, Cisbitaalada, Kuliyadaha, Jaamacadaha iyo hawlaha kale ee caafimaad iyo tacliin la xidhiidha. Kaas oo ah mashruuc sidiisa u madax banaan loona yaqaan Mashruuca Iskuxidhka Somaliland iyo Wales. ( Somaliland-Wales Link Project).

Waxayna socdaalka shaqo ku dhammaaday iyadoo xubnaha labada Gole si gooni gooni ah u sheekeysteen, iyagoo duruufaha iyo waayaha labada dal iyo dadba isaaga waramaaya. Waxayna isku sagootiyeen farxad iyo reynreyn, iyagoo ku rajo-weyn ka-midho-dhalinta shirkan iyo xoojinta xidhiidhka, iyadoo xubnaha Wales loo fidiyey siyaaro ay Somaliland ku tagaan.

Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaliland ee Wales

No comments: