Saturday, February 16, 2008

Ma laga yaabaa in afduubka Daniel uu salka ku hayo xadhiga wadaadada lagu haysto ceerigaabo.

(Waridaad) - Wakhti aan dhoweyn ayaa laga qabtay dhowr wadaad oo u dhashay gobolka togdheer oo uu ka mid ahaa sheikh lagu magacaabi jiray Mubaarak magaalada Ceel-afweyn, ka dib tuhun dawladdu ay ka qabtay in ay ragani maleegayeen shirqool aan wax cadayn ah loo hayn.

Hadaba iyadoo aynu la wada soconno in ragaas la qabqabtay waa hore aan ilaa iminka wax maxkamad ah la soo taagin iyadoo loo la’ayahay wax maxkamad lagu soo taago oo caddaan ah ama falal ay geysteen oo lagu xidhi karo, ma sababi kartaa in ragan afduubka geystey oo qaar ka mid ah loo tiring karo inay isku dhowaayeen wadaadadaa xag qaraabo ama saaxiibtinimmo ba dhehoo.
Anigu waxaan odhan lahaa arintani waxay u baahantahay in si qoto dheer loo baadho oo gunteeda la gaadho, sababtoo ah hadiiba ay arintani ku lug leedahay wadaadadaa xidh xidhan ee aan maxkamadda la soo taagin mudona xidhnaa taasi waxay ku tusaysaa habacsanaanta xukuumadda Rayaale oo ugu wacan in nimanka falkan geystay ay u suurto gasho inay aar gudasho ama madax furasho isku dayaan.

Waxaan kula talin lahaa dawladda in la muujiyo xilkasnimmo oo qofka muwaadinka ah aan la iska xidhin ilaa loo hayo falal dembiyeed uu galay hadii kale ka fursan mayso inay dhacaan arimahan aynu hadda aragnay.

Waxaan ku soo gebo gebayn lahaa aynu gacan bira ku qabanno dadka sharciga jebiya sidda hadda dhacday oo kale laakiin dawladuna waa inay khaladaadkeeda saxdaa oo muwaadiniinta xidhan ee jeelasha ka buuxa deg deg u xukuntaa ama sii deysaa.

Ahmed Muuse Abdi

Freelance Journalist

Hargeisa – Somaliland
maandooriye@hotmail.com

No comments: