Friday, February 22, 2008

Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE oo la muddeeyey iyo guddida Fulinta oo ansixisay

(Waridaad) - Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE ayaa isku raacay wakhtiga uu qabsanayo Shirweynihiisa 2aad, kadib markii uu soo go’aamiyey Guddida Qabanqaabada Shirweynuhu.

Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE oo muddo dheer qabanqaabadiisu socotey ayaa guddida qabanqaabadu waxa uu go;aamiyey toddobaadkan in Shirweynuhu ku qabsoomayo magaalada Xarunta ah ee Hargeysa 29ka ilaa 31ka March. Waxaana go’aankaas lagu ansixiyey shir uu isugu yimi Guddida Fulinta ee xisbigu habeenkii Arbacada ee 20 February.

Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha 2aad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Muxumad Madar ayaa isagu 19kii February warsaxaafadeed ku soo saaray wakhtiga guddidu u cayintay qabsoomidda shirweynaha oo ah 29ka March ilaa 31ka March. Hase yeeshee, sida wararku sheegeen waxa loo hakiyey faafinta rasmiga ah ee go’aankaas in la hordhigo Guddida Fulinta ee xisbiga si loo ansixiyo. Waxaana la sheegay in shirkaa habeen hore lagu ansixiyey, si buuxdana la isula qaatay go’aanka muddada loogu cayimay Shirweynaha 2aad ee xisbiga.
Shirweynaha 2aad ee xisbiga KULMIYE oo qabanqaabadiisu soo bilaabantay sannadkii hore, waxa dhawr goor dib loogu dhigay dad aad u fara badan oo isugu jira bulshooyin ama beelo iyo siyaasiyiin miisaan leh oo xisbigaa ku biiray, kuna soo qulqulayey, kuwaas oo ay siyaasiyiinta hoggaamisa xisbigaasi ay sheegeen in ay lagama maarmaan noqotay soo dhoweyntooda iyo in la siiyo wakhti ay kula qabsadaan xisbiga iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlaha xisbiga iyo shirweynaha, taasina ay sababtay jiitanka iyo dib u dhaca ku yimi qabashada Shirweynaha 2aad.

Dhinaca kalena, waxaa la dareemayey in baaxadda xisbiga iyo dadka ku soo biiray ay ruxeen xisbiga, isla markaana abuureen damacyo badan iyo loollamo hoose oo xisbiga gudihiisa ka socdey muddooyinkan dambe. Hase yeeshee, sida siyaasiyiinta xisbigu marar badan ku celceliyeen waxa muuqata in shirkii habeen hore ee la iskula qaatay wakhtiga shirweynuhu uu ka turjumayey ballanqaadka siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ee ah in loollankasta iyo tartan kasta oo xisbiga gudihiisa ka socdaa uu ku dhammaan doono inuu qabsoomo Shirweynaha xisbigu iyada oo gacmaha la iswadahaysto.

Dad badan ayaa ku tilmaama loollanka xisbiga KULMIYE siyaasiyiintiisa qaarkood ka dhexeeya khilaaf, balse, siyaasiyiinta xisbigaas ayaa marar badan ku celceliyey in aanu jirin wax khilaaf iyo kala qaybsanaan ah, loollanka xisbiga gudihiisu uu yahay mid caafimaad qaba oo dimuqraaddi ah.

Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa isagu aan qabsan Shirweynihiisii 2aad, kaas oo dib u dhacay laba sannadood, mana jirto cid hadal-haysa, isla markaana Madaxweyne Riyaale ayaa marar kala duwan sheegay in uu mar kale u sharraxan yahay tartanka Madaxweynenimada Somaliland doorashooyinka soo socda, taas oo macnaheedu yahay in xisbigiisa aanu waxba ugu baahnayn.

Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in siyaasiyiin ka tirsan xisbiga UDUB ay doonayaan inay Madaxweyne Riyaale iyo kuxigeenkiisa kula tartamaan Musharraxnimada, balse, ilaa iyo hadda siyaasiyiintaasi hagoogta iskama rogin, waxaana la sheegay inay isu nabayaan shirweynaha xisbiga.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: