Friday, February 29, 2008

War deg deg ah: Mustafe Shiine oo loo doortay in uu mar kale noqdo Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA


(Waridaad) - Waxaa shalay ka bilaawday Magaalada Hargaysa shir u soconayay Guddiga Suxufiyiinta ee Soomaliland marka la soo gaabiyo loo yaqaano SOLJA. Marti Sharaf Madax sare oo uu ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta ee Somali-land iyo goob joogayaal caalami ah’ waxana u jeedadiisu ahayd sidii loo dooran lahaa gudi Maamula ururka SOLJA oo ah urur aad u muujiyay dadaal iyo howlkarnimo iyo u doodida susufiyiinta dhibaataysan.


Maanta oo ay ku beegnayd maalintiisii labaad ee uu soconayay shirka lagu dooranayay maamulka cusub ee hogaamin doona Ururka Suxufiyiinta ee Somali-land marka la soo gaabiyo loo yaqaano SOLJA ayaa waxaa markale dib loo doortay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ahaa gudoomiyhii hore ee ururkaasi.

Mustafe Shiine ayaa waxaa lagu xusuustaa intii uu hayay xilka dadaalkii uu u galay in uu ka dhaadhacsiiyo dowlada Somaliland in ay cafis u fidiyaan suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka soo firxaday dagaalka Muqdisho ka socda oo ay Somali-land ku amartay in ay dalkeeda ka baxaan.

Marti sharaftii iyo goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee ka soo qeybgalay shirkan ayaa ku tilmaamay in ay doorashadani ay ahayd mid xalaal ah oo aysan jirin wax la yiraah ku shubasho iyo is daba marayn’ waxayna u hambalyeeyeen Guddigii ka soo qeyb galay doorasahadaasi Mustafe Shiine oo ay ku tilmaameen nin wax ku soo kordhiyay ururka SOLJA.
Xigasho:m dayniile.com

No comments: