Thursday, February 07, 2008

Xaflad Kuulmisay UDUB, UCID, Kulmiye Iyo Abwaano Oo Ka Dhacday London

(Waridaad) - Waxa xalay habeenimaddii ka dhacday magaaladda London xaflad casuumad ah oo si aad ah loosoo agaasimay. Xafladan oo ahayd casuumad guddida xisbiga Kulmiye ee UK u fidisey xildhibaanadda Somaliland ee socdaalka ku maraya dalka Ingiriiska, xildhibaanadas oo isugu jira sadexda xisbi ee UDUB, UCID iyo Kulmiye. Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Kulmiye Mudane Ibrahim Nuux ayaa kusoo dhoweyey dhamaan dadkii kazoo qayb galay xafladaas isaga oo sheegay in ujeedada xafladani tahay in xisbiga Kulmiye uu rabo inuu isu keeno xisbiyada Somaliland oo dhan marka laga hawl galayo qadiyadda ictiraafka Somaliland.

Xildhibaanadda safarka ku maraya dalka Ingiriiska ayaa casuumad ka helay xildhibaano Ingiriis ah si ay qadiyadda Somaliland ugu soo gudbiyaan Baarlamanka Ingiriska.


Kadib erayadas soo dhoweynta ah waxa warbaahiyaha lagu soo dhoweyey in xildhibanada sadex ka mid oo kala mataliya sadexda xisbi erayo warbixin ah siiyaan shacabka iyo waxi u qabsomay, iyada oo warbaahiyaha lagu soo dhoweyey Guddomiyaha xildhibanada uga masuulka ahaa safarkan, Mudane Xuseen Maxamed Cige. Hase yeeshee Xildhibaan Mahdi oo ka mid ah xildhibaanadda UDUB ayaa si kaftan ah warwbaahiyaha ula wareegay isagoo xusay in xisbiga UDUB maadama uu ka tirsan yahay isagu, xaq u leeyahay inuu hadalka furo. Qosol iyo kaftan ka bacdi, Md Mahdi oo ah xildhibaan golaha wakiiladda xisbiga UDUB uuga soo baxay gobolka Awdal ayaa waxa uu sheegay in mudadii ay joogen dalka ingiriska ay qadiyadda Somaliland kala hadleen barlamanka. Waxa uu u mahad naqay dadkii soo agaasimay xafladdan isaga oo yidhi: ‘Anigu u mahan naqi mayo Kulmiye oo qudha ee waxaan leeyahay dad badan aya mesha fadhiya ee kuligin wad mahad santihin’


Intas ka bacdi waxa warbaahiyaha lagu wareejiyay Xildhiban Xuseen oo ah xildhibaan xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Togdheer. Xildhibanku waxa uu ka waramay in baarlamanka ingiriska si fiican loogu soo dhoweyey. Sidoo kale waxa uu sheegay in mudadii ay safarka ku marayen dalka Ingiriska ay caawa (xalay) tahay markii ugu horaysay ee ay arkaan ama soo dhex galaan dad Somali oo intan le’eg oo meel qudha isugu yimi, iyaga oo intii kale ku sugnaa ama hudhelkoda ama golaha barlamanka.

Anigu waxan ahay xisbiga UCID, Kulmiyena wan jeclahay, UDUBna wan jeclahay’ sidaa waxa yidhi Xildhiban Xuseen isaga oo u mahadnaqaya guddida Kulmiye ee xaflaldda soo qaban qaabisay.

Ugu danbaynti waxa isna halkaas hadal kasooo jeediyey Xildhiban Yusuf Tuke oo ah xildhibaan xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sanag. Mudane Tuke waxa uu sheegay in baarlamanka iyo Xildhibanada Ingirisku si cad oo qayaxan ugu sheegen in ay qadiyadda Somaliland la socdan, tagersan yihin, isla markana ay dhinacyo badan inaga cawin doonan. Iyada oo isla markaa dhinaca ictirafka ay jeclaan lahayen in Afrikanku ku horeyo. Sido kale Md Tuke waxa uu xusay in is afgarad iyo fahan dhex maray iyaga iyo xildhibaanadii ay la kulmeen.

Kadib hadalka xildhibaanadda waxa hadalka u baxay Md Axmed Yusuf Ducaale ooh ore uga tirsanan jiray guddida fulinta ee UDUB imikana ka tirsan fulinta Kulmiye. Md Axmed waxa uu halkaas ugas oo jediyey xildhibanada guubabo, dardaaran iyo baraarujin dadkii madashas isugu yimid aad ugu riyaaqeen.

Xildhibaanadda xafladaas xalay kazoo qayb galay waxay kala ahaayen:
Xil. Cumar Sanwayne, Xil. Ibrahim Jama (Rayte), Xil. Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) Xil. Farxaan Maxamed Cali, Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur) Xil. Mahdi Sugaal Xasan, Xil. Yusuf Maxamed Ali (Tukke), Xil. Maxamed X. Yusuf (Waabeeye), Xil. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Xil. Axmed Cabdi Nuur (Kijaadhe), Xil. Xuseen Maxamed Cige, Xil. Maxamed Faarax Qabille, XilDhinaca kale waxa xaflada goob jog ah abwaanka weyn ee Hassan Gannay.

Waridaad media centre

No comments: