Sunday, February 03, 2008

Yey iyo hadhaagii faqashta oo af-kala qaad ay ku noqotay booqashaddii Jendayi Frazer ku timi Somaliland

(Waridaad) - Waxaa maanta ka soo degtay cigaal Airport, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrrimaha Afrika, Jendayi Frazer.

Jandayi Frazer oo masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey waxaa ka mid ahaa Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Arrimaha gudaha iyo duulista Hawada. Mrs. Farazer oo lagu dajiyey Huteel Ambaasador, ayaa la kulantay madaxda asxaabta mucaaradka iyo shakhsiyaad kale oo muhiim ah. Iyaddoo u balanqaaday inay geed sare iyo mid hooseba u mari doonto siddii Somaliland gooni-isu-taageedda ay u meel marin lahayd.

Waxaa isla maanta ka hadlay socdaalka Kaaliyaha, bukaan socod, Cabdillahi Yusuf, oo ku sheegay socdaalkaa mid khiyaamo ah oo dawladda Maraykanku doonayso inay ku soo afjarto, kuna wiiqdo maamulkiisa. Waxaa iyana soo ifbaxaya qaylodhaanka maamulka majeerteeniya iyo inta hoos timaadda oo sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku meesha ka saaraayo hamigii ay rabeen inay ku sii wataan barakicinta, iyo xasuuqa joogtadda ah ee bulhshadda Hawiye si ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dhamaan gacan ku haynta koonfur Somalia, si ay inta hadhay isu sii kabo raaciyaan.

Waxaa maanta aamusan dhamaan shabakadihii majeerteeniya ee been abuurka loo samaystay oo arrinkan meel ay u qaadaan garan la, oo af kala qaad iyo jaahwareer la soo daristay.

Ahmed Quick,

Waridaad media centre

No comments: