Tuesday, March 18, 2008

Biyo La'aanta, Bararka Sicirka, Bendoona ku Darsada. Ma kolbay Buus i Odhan?

(Waridaad) - Madaxweynihii lama arki karo muddo 30 maalmood ah sida uu Xoghayaha xafiiska Madaxweynaha JSL qoraal ugu gudbiyey Golayaasha. Dalkuna waxa uu ku suganyahay xaalad abaaro iyo biyo la'aani ka jiraan. Gobolada intooda badan waxa laga xaqiijiyey inay ka jiraan duruufo qallafsan oo dhinac dhaqaale, abaaro iyo biyo la'aani ugu weynyihiin. Dhinaca siyaasada iyana waxa la isu diyaarinayaa doorashooyinka dawladaha hoose iyo tan Madaweynaha oo la mudeeyey inay ku qabsoomaan waqti cayiman isla markaana dhinacyada ay khusaysaa bilaabeen hawlgalkeeda sida Komishanka iyo Xisbiyada. Xafiiska Madaxweynahana waxa la filayaa in culays badan oo arrimahaa la xidhiidhaa u yaalo hadana, madaxweyhihii dalku albaabkii wuu xidhay. Waa kaaf iyo kala dheeri. Silic iyo dayac badan oo awelba dadku ku jirey haddii tanina u raacdo gabbal dumay ka soo qaad. Go'aanka Madaxweynuhu ma ka dhiganyahay, Waa bendoo, biyo la'aantu yeelkeed, sicir bararkuna ha iska socdo inta aan albaabka furayo.

Sabab laga fekeri karo oo arrinkan ka dhigaysa mid meel mara anigu weli ma helin. Kolley inta Riyaale u suuxsani waxa ay doonaan oo si yar uga soo baxda afkooda waynu filaynaa in laga maqlo maalmaha soo aadan. Sida u caadada ah dawladda waxan filayaa in TVga dawladda iyo Radio Hargeysa aanay wax kale ka hadlayn iminka oo ay shacabka u tusayaan bendoodan in madaxweynhu ka shaqaynayo Ictiraafka Somaliland. Aniguse waxaan is idhi waa shuqul Sixir-Shaydaan-Waraabe Gawrac-bustaysiin ah. kama taggana maxaayeelay maskaxduba ma qaadi karto Madxweyne dadkiisii irridaha ka xidhay iyadoo uu dalku ku jiro dhibaatooyin badan oo gurmad Madaweyne u baahan. Mise tolow anaa qar jafaya'e waxa jira qorshe u KHAAS ah madaxweynaha oo markuu waayey meel uu iskaga rebo Wasiirada iyo saxaafadda ayuu door biday inuu wareegtoba ku soo saaro khalaaweynta Madaxweynaha, mise waxa jira jid goyn kale oo qaadan karta ilaa 30 casho oo ay inagu soo aadantahay walax kale oo cirka ka soo dhacaysa.

Waxaynu hore uga maqalay Madaxweynaha isaga oo joojiyey la shaqayntii xafiiskiisu la lahaa golaha Wakiilada,Saxaafadda oo aanu u waramin markuu tagayo ama ka soo noqdo socdaalada dibedda, Guddiyada xal u helista khilaafaadka, hay'adaha xuquuqda aadamaha, Xisbiyada Mucaaridka iyo dar kaloo badan. waxa uu Madaxweynuhu odhan jirey la shaqayn maayo maantase waa albaab xidhasho. Tuhunkeeday leedahay inta aanu Madaxweynuhu inoo sheegin sabab dadka u cuntami karta oo ay adagtahay sida loo helaa. Markaa waxa laga filayo inuu yidhaahdaa hadiiba uu afka kala qaadaa waa been iyo buftii horeba inoo daashadey.

Hadaba, waqtigan gurmadka laga filayey Xafiiska Madaxweynaha ee ay ahayd inuu qorshe Qaran ka soo diyaariyo duruufaha abaaraha, biyo la'aanta, sicir bararka, lacagta giimbaarta ah ee ka shaqaysa Gobolka Togdheer, khilaafka ka aloosan sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinku, dhallinta tahriibta ku dhamaatay, musuqa Wasiirada iyo liiska aan dhamaadka lahayn ee dhibaatooyinka dadweynaha haysta ah waxa ku kelifey inuu hoosta ka xidho goobtii talada dalku ka go'aysey far baa ku godan oo shaki weyn bay leedahay oo wax kahayr qaba kuma maqna oo waa sixir iyo camal shaydaan ka soo baxay buugga loo rogo.

Wasase la yaab leh shacabka waxani ay haystaan ee ay u fududahay inay isbedel sameeyaan ee hadana maalin kasta iyagu gacantooda isku gawracaya. waxan garan la'ahay waxa u diidaya inay dhibaatada ka baxaan oo doortaan cid mas'uul ah oo taariikhda ku sheegan oo kala baxsan karta duruufaha adag ee ku gedaaman. Haddii ay hore kuu seegtay, fursadda dambe ee ku soo marta caqliga la kaasho una feker siddii aad u dooran lahayd Madxweyne aan albaabka markuu doono kaa xidhan codkaagana isku difaac. Silic iyo saxariir intee ayaad xamili kartaa inay noloshaada la wehel ahaadaan? Jawaabta waad heli kartaa iyadoo sahlan.

Cabdi X. Ciise

Abu Dhabi

No comments: