Friday, April 04, 2008

ABAAL LAAWE {INA RIYAALE}

(Waridaad) - Karis xun iyana wax ku la!
"Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe"
Waxaa maanta muuqata nuglaanta iyo dildilaaca maamulka talada dalka haya ka muuqata oo ay aabe u yihiin go'aan qaadashadooda, salfudaydkooda iyo ka fiirsasho-la'aanshahooda oo uu had iyo jeer la soo hiyi kacaan Daahir Riyaale iyo inta ku xeerani.

Ma maantuu u darnaa oo Fu'aad Aadan Cadde oo sharafta uu ka mudanyahay Somaliland aan la soo koobi Karin, dadaalkiisii uu u galay midaynta mujtamaca ku wada nool Somaliland uu yidhi waan ku casilay – weligaaba ina Riyaalow laguguma amaanayn inaad qaadato go'aan caafimaad qaba oo aan la garanayn in ay ka madhantahay talo aad ka heshay rag khariban oo aan danta dalka iyo ta dadka toona aan dan ka lahayni..

Daahir miyuu ilaaway inuu Fu'aad walaalkii naftiisa ku waayey dagaalkii Puntland Xudun ku so qaaday isagoo difaacaya qadiyadda Somaliland, Fu'aadna cid waliba ogayd hurdo la'aanta, dhafarka iyo orodka uu ku jiray intii ay xaaladda cakirani ka taagnayd aaga Sool, Daahirna qasriga madaxtooyada uu lugta circa u taagayey.


Miyuu Daahir Riyaale sugi kari waayey inta doorashada ka hadhay ama garan waayey saamaynta arintani ay ku yeelan karto codka uu ka filayo aaga Sool ama xaaladda hadda taagan ee aan weli fari ka qodnayn. Karis xun iyana wax ku la!

Walaalkay Fu'aad waxaan leeyahay dabayshii caafimaad ee dhowaan dalka martay kaama maaranto ee ku soo dhowow xisbiga la hubo inuu dalka ku maamulo milgihii lagu maamuli jiray gobta.

Mujtamaca Somaliland-na waxaan leeyahay waad aragtaan ragga talada dalka inoo haya iyo go'aan qaloocan qaadashadooda, garaadla'aantooda, dulqaadla'aantooda iyo qalafsanaantooda ee tashada oo doorta xisbiga ay ka muuqato inuu isbedel lagu riyaaqo soo wado kuu doonoba ha ahaadee.

Daahirna waxaan leeyahay xafiiska noo soo dhaaf – waad dhamaysan kartaa wakhtigaaga inta kaaga hadhay (agab uruursi baad ku jirtaa oo waanu ognahaye).


"Mar i dage alle ha dago, Mar labaad i dagese anigaa isu dagay"

Mahadsanidin

Mohamed Hussein Roble
roble4@gmail.com

No comments: