Friday, April 04, 2008

Madaxweyne Riyaale oo xilka ka qaaday Wasiirkii Horumarinta Reer Miyiga, mudane Fu’aad Aadan Cadde

(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaalee Kaahin ayaa maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii Horumarinta Reer Miyiga, mudane Fu’aad Aadan Cadde.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada oo lagu faafiyey xil-ka-qaadista Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha Madaxweyne Riyaale xilka uga qaaday Wasiirka, waxana uu u qoray sidan:

“Wareegto uu maanta soo saaray Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ku saabsan Xil ka qaadista Wasiirkii Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu ku sheeay ka dib markii Wasiirkaasi uu ku xadgudbay Anshaxa iyo Akhlaaqiyaadka Wasiirnimo, isaga oo mar walba isaga hadla wixii afkiisa ku soo dhaca, wax badana Madaxweynuhu uu ka gaabsaday in uu tallaabo ka qaado xad gudubyadaasi uu ku kacay, waxa uu gartay in xilka Wasiirkii Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga ee uu Qaranka u hayay laga qaado Laga bilaabo Taariikhda Maanta.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu Wareegtadaasi ku sheegay , maadaama xilka laga qaaday Wasiirkaasi in uu u madax banaanaado hadalada macno darada ah ee uu maalin walba ku hadlayo, isaga oo Madaxweynuhu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo si niyad sami ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga, inta aan Wasiir hanta xilka Wasaarada loo Soo Magacaabayo”.

Xilka-qaadista Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, waxa ay ka dambeysey waraysi uu siiyey Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland Space Channel oo xalay la siidaayey, kaas oo uu si adag ugu dhalliilay xukuumadda Somaliland oo uu sheegay in aanay waxba u qaban gobolka Sool. Sidoo kale, waxa uu dhalliilay gobolada cusub ee Madaxweynuhu dhowaan magacaabay kuwaas oo uu sheegay inay dadka u qaybqaybinayaan qabaa’il.

Xigasho: www.somaliland.org

No comments: