Sunday, April 27, 2008

Baaq ku socda bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan London kuna saabsan musharaxa [Sakeriye Maxamuud X Cabdi]

(Waridaad) - Sakeriye Maxamuud X cabdi, oo ka sharaxan Xisbiga Respect unity coalition wuxuu u taagan yahay in uu ka mid noqdo 25 ka xubnood ee uu ka kooban yahay London assembly gu, oo ay doorashadiisu dhacayso 2 May 2008 waa khamiista soo socota. hadaba si uu Sakeriye u xaqiijiyo rabitaankiisa siyaasadeed, wuxuu in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan xaafadiisa uga baahan yahay in ay siiyaan codkooda! Si uu u gaadho rabitaankiisa. Waxaana cad in uu Sakeriye cadaw ku ahaa qadiyada gooni isu taaga Somaliland.

Hadaba aniga oo ka fogaanaya in aan shiqsiyan wax uga sheego Sekeriye, ama aan ku ceebaynayn rabitaankiisa siyaasadeed, waxaan jeclahay in aan idiin iftimiyo bal ninka Sekeriye uu yahay. Sakeriye wuxuu wasiir firfircoon ka ahaa Dawladii Carta ee uu madaxda ka ahaa Cabdiqaasin salad xasan, ka dib Sakeriye wuxuu galay dawladii labaad ee imbagaati xildhibaanadii lagu doortay iminkana wuxuu ka mid yahay kooxda is bedel doonka Asmara.


Waxa hadaba cad in ay sadexdan group ee aynu kor ku xusnayba isku mawqif ka taagnaayeen qadiyada gooni isu taaga Somaliland. Gaar ahaana uu In badan Sekeriye ka cadeeyay saxaafada ama goobaha lagu kulmo in aanu marna ixtiraamayn gooni isu taaga reer Somaliland. Hadaba walaalayaal waa maxay maqqifka aynu ka qaadanayno Sekeriye oo cadaw ku ahaa dhamaan ujeedooyinkeena? Mase jirtaa cid kala hadashay bal waxa uu Sekeriye kaga tala galay bulshadaas xalaasha ah ee uu dagaalka kula jiray mudada dheer; isla markaana uu codka ka doonayo si uu ugu fadhiisto kursigaas qiimaha leh? Weliba mar aan Sakeriye kula kulmay xafladii furitaanka [Raad TV international] oo aan waydiiyay bal waxa ay kaga tala gelayaan bulshada reer Somaliland ee uu codka martida uga yahay kamaan helin jawaab ee wuu iga dhaqaaqay.

Sidaas darted waa in aynu noqono umad ku qiimaysa qof kastaa wuxuu ka mudan yahay. Waxaan kaga baxayaa waxaan diyaar u ahay cid kasta oo arintan ka jawaabaysa.
Mr.Cabdiraxmaan Sh Xuseen
Sheffield, UK

1 comment:

Anonymous said...

Dadka qaarkood waa indho adag yihiin. Sidee buu dadka marka hore ugu dhex jiri karaa, miyuu indho la yahay. Xishoodba ma laha.

Dadkan soo dhaweysanaya baan ugu daran.

Nin ka fiican kan baa la qaatay, yaanuu Somalida jaaniska ka xumeen siduu dadkiisa xumaanta ula jecel yahay. Cidna wanaag uma soo wado.