Sunday, April 27, 2008

Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

(Waridaad) - Saddex qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, maanta magaalada Hargeysa.

Muddaharaadkan shaqaaqada watey oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee ka dhaca magaalada Hargeysa ayaa si lama filaan ah saaka barqadii uga bilaabmay xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa, waxana uu ku baahay suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa, iyada oo dadka mudaharaadayey oo u badnaa dhallinyaro tuurayey dhagax waxay soo gaadheen saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ayaa ka hortegey dadkaa muddaharaadayey, iyaga oo isticmaalayey rasaasta darandoorriga u dhacda, taas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey laba ka mid ah dhallinyaradii muddaharaadeysey.......Maqaalkii oo dhan

No comments: