Thursday, April 17, 2008

Baaq Ku Socda Ciidamada Qalabka Sida iyo Booliiska Somaliland

(Waridaad) - Walaalayaal, waad salaamantihiin waxaanad mudan tihiin hambalyo iyo bogaadin sida wadaninimada leh ee aad u difaacdaan qaranimada Somaliland iyo sida aad u sugtaan nabadgelyada gudaha samankan duruufaha adag ee aydaan haysan xuquuq idinku filan.

Walaalayaal, waxaad ka warqabtaan marxaladda adag ee siyaasadeed ee maanta dalku ku jiro. Waa waqti qof kasta oo Reer Somaliland ahi, gudaha iyo dibedaba, ay waajib wadani ah ku tahay inuu ogaado sababaha khalkhalka siyaasadeed keenay iyo gudashada kaalinta kaga aadan. Khalkhalkan siyaasadeed waxaa abuuray madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo raba inuu u xuub-siibto kelitaliye macangag ah sidii Siyaad Barre si uu u horjoogsado doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda waqtiga loogu talagalay una sii haysto xukunka. Maanta Somaliland waxaa is-haya koox yar oo dib-u-socd ah oo uu hoggaaminayo abaal-laawe Riyaale oo raba inuu kelitalisnimo laga guuray soo cesho iyo xoogagga horusocodka ah ee raba xukun ku dhisan dimoqaraadiyad iyo doorasho xalaal ah kuwaas oo ay hoggaaminayaan Xisbiyada Mucaaradka. Waxaa la aaminsanyahay in khalkhalka siyaasadeed iyo nabadgelyeed, iyo doorasho-diidka ay wadaan Riyaale iyo kooxdiisu ay qayb ka tahay shirqool qaran-dumisnimo oo lagula dagaallamayo aqoonsiga Somaliland laguna mijaxaabinayo madaxbanaanideeda.

Walaalayaal, Waxaad kale oo la socotaan in lixdii sano ee Riyaale dalka ka talinayay (2002-2008) uu abuuray dhibaatooyin waaweyn oo uu ku dhaawacay horumarka, sumcadda, iyo aqoonsiga Somaliland. Dhibaatooyinkan waxaa ka mid ah:

• Ku tumashada dastuurka iyo shuruucda dalka, maroorsiga awoodaha qaranka,baalmaridda hay`adda sharci- dejinta qaranka (Golaha Wakiilada), gelidda heshiisyocaalami ah iyada oo aanay oggolaan Golayaasha Qaranka, iyo magacaabidda gobollo cusub oo aan qaarkood laga fiirsan dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan sidoorasho loogu galo taas oo ah danaystinimo iyo qayru-mas`uulnimo aan weli la arag.

• Ku xad-gudubka xuquuqda muwaadinka iyo saxaafadda madaxbanaan.• Dhaawicidda ganacsiga dalka iyo curyaaminta Dekedda Berbera oo ah halbowlaha nolosha ummadda Somaliland.

• Wiiqidda nidaamka dimoqaraadiga ah ee ku salaysan xorriyadda iyo xuquuqdamuwaadinka iyo doorashada xalaasha ah.

• Ku caanbixidda wasiiro ma xishoodayaal iyo beenlaawayaal ah oo u caytama sidafoodleyda isla markaana aflagaadeeya beelaha, arrintaas oo ka baxsan xushmada,

anshaxa iyo maamuuska dawladnimo iyo warbaahinta qaranka oo loo adeegsado.
• Cir isku-shareerka qiimaha raashinka iyo shidaalka, badashada shaqo-la`aanta iyo raja-xumada dhallinyarada dalka.

• Ku tagrifalka hantida qaranka. Dalka waxaa soo gala dhaqaale xoog leh oo iskugu jira cashuur badan iyo lacago kale oo dalka laga qaado iyo dhaqaalaha dalalka deeqda baxsha. Dhaqaalaha intaas le`eg waxa uu noqday qayb Riyaale iyo kooxdiisu jeebka ku shubtaan dibedaha kagana dhistaan guryo iyo qayb loo adeegsado kala qaybinta ummadda iyo laaluush lagu fidsado xukunka sida falkii Guurtigu ku kacday dhawaan oo baalmarsan dastuurka dalka. Haddii uu jirilahaa xukun daacad ah oo dadka iyo dalka u adeegaya, dhaqaalahaas waxaa lagu kabilahaa laguna raqiisinlahaa qiimaha raashinka iyo shidaalka, waxaa lagu dhisilahaa wadooyinka, waxaa lagu hormarinlahaa caafimaadk iyo waxbarashada, waxaa dhallinyarada loogu abuurilahaa shaqooyin waxaana kor loogu qaadilahaa nolosha ciidamada dalka iwm. Halkaas waxaa ka cad in dalka ay ka taliso koox inta ummaddu dooratay isu bedeshay qawlaysato xadka ka baxday.

Walaalayaal, waxaa lagu jiraa qarnigii 21aad waana dhammaaday xilligii kelitalisnimo, xukun milatari, xukun qabiil, kala qaybin iyo iska horkeen waayo maslaxadda, horumarka, iyo danta qof kasta iyo beel kasta ee ummadda Somaliland waxay ku jirtaan xukun markasta ku yimaada doorasho xalaal ah oo loo wadajiro. Waa dhammaaday xilligii ciidamada loo adeegsanjiray cabsigelinta, cabbudhinta, xadhigga, dilka, iyo dhaca ummadda si loo sii haysto xukun ku dhisan dulmi, danaystinimo, iyo fasaad, waa dhammaaday xilligii ummadda beel beel loo kala saarijiray, laysku hubaynjiray layskana horkeenijiray si looga jeediyo dulmiga lagu hayo. Ummadda Somaliland way fahamtay danteeda waxayna ogtahay inay xukunka iyadu leedahay isla markaana ilaashanayso una dhiibanayso cidda u adeegaysa danaheeda.

Walaalayaal, ayaamahan waad la socotaan in Riyaale idinku soo ururuuriyay magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa iyo Burco sidii Siyaad Barre si aad u cabsigelisaan, u cabbudhisaan dagaalna ugu qaadaan mucaaradka dalka, saxaafadda madaxbanaan, iyo shacabka is-bedeldoonka ah ee ka soo horjeeda kelitalisnimada Riyaale iyo kooxdiisa. Waxaa la rumaysanyahay in qaraxyada dalka ka dhaca ay ka dambeeyaan Maamulka Riyaale si loo jidaysto oo laydinku adeegsado la dagaalanka mucaaradka iyo horjoogsiga doorashooyinka dalka. Idanka oo huwan magac sharaf qaran ayuu Riyaale rabaa inuu idiin adeegsado siyaasadda qabyaaladda ku dhisan ee ‘xukun oo qaybi’ idinkuna dagaalgeliyo ciidan beeleed sida ciidanka Reer Boorame ee uu keenay Hargeysa. Arrimaha noocaas ah waa in laga hortagaa oo la diidaa ciidan iyo beelba waayo waxay cawaaqib-xumo u keenayaan beelaha walaalaha ah ee Somaliland. Waxaad uu dhaarateen inaad dalka ka difaacdaan cadowga dibedda iyo gudaha iyo inaad u adeegtaan maslaxadda guud ee ummadda, darajadiina, dirayskiina, hubkiina, iyo mushaharkiinaba waxaa leh ummadda, umaydaan dhaaran inaad difaacadaan maamul danayste ah oo daalim ah, Diinta Islaamkuna ma banaynayso inaad u dhimataan. Haku gaboodfalina ummadiina, damiirkiinu waa inuu diidaa u adeega xukun qaran-dumis ah. lama filayo inaad Riyaale ka qaadataan amarro lid ku ah mucaaradka iyo ummadda.

Walaalayaal, maanta Riyaale iyo kooxdiisu way ogyihiin inay jid qaldan ku joogaan, ummadduna way ogtahay, idina waad ogtihiin. Weligeedba dunida way jirtay shacab iyo xukun xun oo iska horyimaada markastana waxaa adkaada shacabka. Ummad haddii cadhadeedu biirto, dulqaadkeedu wuu dhamaadaa waanay is-badbaadisaa. Madaxweyne Riyaale iyo kooxda kula jirta qaran-dumisnimada ee ay ugu horreeyan: Cirro, Cawil, Buuni, Ina Sulub, Ina Dhoolayare, Bulaale, Ina Aw Daahir waxay ku joogaan jidkii kelitaliyayaashii Afrika ay ku jabeen kana dhaxleen taariikh xumada kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Idi Amin (Uganda, la riday1979), Hissen Habre` (Chad, la riday1990), Siyaad Barre (Somalia, la riday 1991), Haile Mengistu Mariam (Ethiopia, la riday 1991), Charles Taylor (Liberia, la riday 2003) iwm. Jidkan xun waxa kale oo ku jooga maanta madaxweyne Robert Mugabe ee Zimbabwe iyo madaxweyne Kibaki ee Kenya oo boobay doorashooyinkii u dambeeyay ee dalalkooda ka dhacay taariikhduna gaadayso.

Walaalayaal, maslaxadda, nabadgelyada, iyo horumarka dadka iyo dalku waxa ay ku jiraan in Riyaale iyo kooxdiisu u hoggaansamaan dastuurka dalka iyo waqtiga loo cayimay doorashooyinka.Haddii ay dhacdo in Riyaale ku gacansaydho go`aanka 3da Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka, baaqyada beesha caalamka, iyo rabitaanka ummadda Somaliland oo ah in doorashooyinka madaxweynaha iyo kuwa degaanada la kala qabto bilaha Oktoobar iyo Diisambar ee sannadkan 2008 islamarkaana uu dagaal ku qaado madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah si loo horjoogsado doorasho dalka ka dhacda si uu xukunka u sii haysto, waxaa markkaas waajib muqadasa ah in Riyale iyo xukunkiisa lagu rido KACDOON DADWEYENE.

CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO BOOLISKA SOMALILAND waxaa markaas waajib wadani ah idinku ah inaad ka dhiidhidaan dhibaatada dalka ka taagan lana dhiidhidaan ummadiina, la safataan, si buuxdana ugu biirtaan una taageertaan kacdoonka dadweynaha oo ay hoggaaminayaan mucaaradku si deg deg loogu rido xukunka Riyaale iyo kooxdiisa loona soo dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo rayid ah dalkana gaadhsiisa doorasho xalaal ah muddo gaaban oo cayimin. Waa in loo sii diyaargaroobaa xaaladahan. Marnaba lama aqbalikaro kelitalisnimo kale oo dadka iyo dalka dhibaato weyn u keenta sida tii Siyaad Barre. Madaxweynanimada Riyaale waad ogtihiin oo waxay ku egtahay May 15, 2008. Iskaashiga iyo wadajirka mucaaradka, dadweynaha, iyo ciidamada ayaa deg deg u rida kelitaliye kasta oo dal ka jira. Sidaas oo keliya ayaa lagu badbaadinkaraa dadka iyo dalka, lagu difaacikaraa madaxbanaanida Somaliland, loona helikaraa aqoonsi mustaqbalka. Guul Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale

ibrahim_hg@yahoo.com

No comments: