Friday, April 25, 2008

Cambaarayn qoraal la dhacay

(Waridaad) - Warsaxaafadeed Summad: SWA/140408

Taariikh: 14.04.08

Uj: Cambaarayn qoraal la dhacay

Ururka Qorayaasha Somaliland wuxuu cambaarayn laxaad leh usoo jeedinayaa Daahir Cabdulle Calasow oo dhowaan dhac iyo boob kula kacay qoraaga caanka ah ee Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd". Mudane Calasow oo maareeya bogagga www.waagacusub.com iyo www.waagacusub.netwaxa uu dhowaan boob anshaxa iyo haybadda suugaanta iyo halabuurkaba meel ka dhac ku ah ku qaatay sheeko lagu magacaabo 'Saddex Nafood' oo uu halabuurkeeda iska leeyahay Ibraahin Yuusuf Axmed 'Hawd'.

Sheekada 'Saddex Nafood' wuxuu qoraagu markii ugu horraysay daabacay muddo afar sannadood ka hor ah. Mudane Calasow isaga oo aan oggolaansho ka haysan qoraaga, islamarkaana muujin qoraagii sheekada iska lahaa, ayuu intuu ku daabacay boggiisa weliba isagu hoosta iskaga saxeexay oo iska dhigay abwaankii sheekada curiyay. Ururka Qorayaasha Somaliland waxa uu falkan noocan ahi ugu muuqdaa mid sharaf dhac ku ah qoraaga iyo qoraalka Soomaalida, islamarkaana burinaya anshaxa iyo habdhaqanka sidiisaba u yaal qoraalka.

Ururku wuxuu ku boorrinaya ummadda Soomaaliyeed, qorayaasha, halabuurka, suugaanyahannada, saxaafadda iyo inta danaysa qoraalkuba inay ka feejignaadaan arrimaha noocan ah, islamarkaana isku boorriyaan ixtiraamka iyo haybadaynta halabuurkeenna. Falka uu ku kacay Mudane Calasow waa mid haddii aan laga hortegin horseedi kara bililiqo ku dhacda suugaanta iyo qoraalka afkeenna. Ugu dambayn wuxuu ururku ugu baaqayaa urrurada, qorayaasha iyo hay'adaha kale ee arrintani khusayso inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa hab lagu maareeyo dhawrsanaanta qoraalka.

Mahadsanidin.

Ururka Qorayaasha Somaliland(SWA)

No comments: