Saturday, April 12, 2008

Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa oo la xidhay iyo Muj. Maxamed Kaahin oo Xukuumaddu isku deyayso inay qabato

(Waridaad)-Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in amar lagu siiyey inay soo qabtaan Muj. Maxamed Kaahin Axmed. Waxaana la xidhay oo uu boolisku qabtay maanta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mr. Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji).

Sida ay sheegayaan dad goob joog ah koox boolis ah oo lagu soo amray inay soo qabtaan Maxamed Kaahin ayaa maanta ugu yimi Muj. Maxamed Kaahin Baar Xaraf, waxayna ku wargeliyeen inuu u raaco xarunta C.I.D-da (Laanta Baadhista Dembiyada ee Booliska) oo looga yeedhayo, balse, waxa la sheegay in uu diidey, uguna jawaabey inuu u yimaaddo cidda amarka soo siisay, iyaguna ay iska tagaan.

Waxa la sheegay mar kale in ciidan Boolis ah ay tageen Hudheelka uu deggan yahay Maxamed Kaahin ee BILAAL oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa, iyaga oo sita warqad amar qabasho ah, balse ay ka waayeen halkaas.....Maqaalkii oo dhan

No comments: