Saturday, April 12, 2008

Dawladaha Deeqaha Bixiya Oo Ka Cadhooday Faro-gelintii Riyaale Iyo Guurtidu Ku Sameeyeen Hawlihii Komishanka Doorashooyinka

(Waridaad) - Waxa Suurto-Gal Ah In Riyaale Qoyskiisa Iyo Wasiiradiisa Qaar Laga Mamnuuco Yurub
Hargeysa/Nairobi, April 11, 2008 (Haatuf) – Diblomaasiyiinta dawladaha deeqaha siiya Somaliland iyo Somalia ee fadhigoodu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa ka cadhooday go’aankii degdegga ahaa ee Golaha Guurtidu hal-ka sanno ugu kordhiyeen muddadii uu Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin xilka sii haynayay taas oo awal ku beegnayd 15 May 2008, balse marka la raaco go’aankaas noqonaysa 6 may 2009.

Hase yeeshee labada xisbi mucaarid ee UCID iyo KULMIYE oo labadoodu isku heleen 58% codadkii doorashadii Madaxweynaha ee 2003 ayaa ganafka ku dhuftay muddo-kordhintaas isla markaana ku adkeysanaya in Riyaale ay muddadu kaga egtahay 15 May 2008.

Dawladaha deeqaha bixiya ayaa go’aanka Guurtida u arka mid uu Madaxweyne Rayaale kaga baxay heshiiskii ay saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Kulmiye, UCID iyo UDUB, ay Arbacadii dorraad ku gaadheen in doorashada goleyaasha degaanka iyo madaxtooyada la qabto 6 October iyo 31 December 2008, kadib markii ay suurtoobi wayday inay doorashooyinkaas la qabto xiligii hore ee u qorshaysnaa ee kala ahaa 31 June iyo 31 August 2008 arrimo farsamo awgood.

Hay’adaha deeqaha bixiya iyo kuwa la soo mariyaba ayaa muddaba ka shakisnaa in Mr. Riyaale daacad ka yahay inay doorashooyinku sannadkan u qabsoomaan Somaliland iyo in kale.
Waxaana Beryahan dambe ay ku celcelin jireen ‘doorashadu yaanay dib u dhicin’ iyo ‘haddii doorashooyinku dib u dhacaan waxay taasi wax u dhimi doontaa sumcaddii wanaagsanayd ee idiin baxday’.

Haddaba diblomaasiyiinta u fadhiya dawladaha deeqaha bixiya magaalada Nairobi oo markii horeba wadnaha farta ku hayay ayaa muddo-kordhintan ay Riyaale iyo Guurtidu ku shuraakoobeen u arka tallaabo baalmarsan go’aankii Komishanka iyo saddexda xisbi qaran isla gaadheen dorraad waxaanay diblomaasiyiintaasi hadda aaminsan yihiin in Daahir Riyaale uu yahay nin aan qawl lahayn oo is-rog rog badan, isla markaana dib-u-dhac weyn ku keeni kara geedi-socodkii dimuqraadiyadaynta Somaliland.

Deeq-bixiyeyaasha oo awalba Riyaale ku dhaliilayey inuu ka dambeeyay go’aankii uu Golaha Guurtidu sannadkii 2006 muddada isugu kordhiyey 4 sannadood, ayaa hadda ku taamaya inay culays laxaad leh ku saaraan sidii uu uga noqon lahaa tallo maroorsiga uu ku wado dalka oo u janjeedhsado dhinicii wada-tashiga ee Somaliland ku caanbaxday.Go’aanka golaha Guurtida ee muddo-kordhinta ayaa waxay meesha ka saaraysaa wakhtiga ay Komishanka doorashooyinku u qabteen inay dhacdo doorashadii Madaxweynuhu iyada oo ay Guurtidu arrintaas sabab uga dhigtay in xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo Madaxtooyadu dhigayo in muddo 6 bilood ahi u dhaxayso labada doorasho ee degaanka iyo Madaxtooyada. Waxaanay deeq-bixiyeyaashu arrintaas u arkaan inay tahay faro-gelin aan loo baahnayn oo lagu sameeyay madax banaanidii Komishanka Doorashooyinka.

Waxa kale oo ay dawladaha deeqaha bixiyaa la yaabsan yihiin sababta ay Guurtidu u cuskatay kordhinta muddada Riyaale, taas oo ay ku salaysay arrimo nabadgelyo awgood. Waxaanay deeq-bixiyeyaashu garan la’ yihiin sababta ay Guurtidu ugu badheedhayso inay sumcad-xumo intaas le’eg oon meesha oolin u soo jiido dalkooda nabaddu ka jirto. Waxaana soo ifbaxaya warar sheegaya in haddii Riyaale ka noqon waayo tallaabooyinkan uu doorashooyinka kolba dib ugu dhigayo inay dawladaha deeqaha bixiyaa ay xayiraad ku soo rogi doonaan in Riyaale, qoyskiisa iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa laga mamnuuco inay soo gaadhaan dalalkooda iyada oo tallaabo taas la mid ah ay hore dawladaha reer galbeedku ugu soo rogeen hoggaamiyeyaasha Zimbabwe iyo Suudaan.

Xigasho: Haatuf.net

No comments: