Thursday, April 17, 2008

Ina dhoolayare - Huluul kagaquuso!

(Waridaad) - Somaliddu waxay ku maahmaahddaa- " Ninka hooyaddii ka guura, habaryartii kuma nagaaddo"

Cabdillahi Ducaale ha'iswaydiiyo xaaladda ay Huluul ku suggantahay oo ah tuuladduu ku soo barbaaray, kana bilaababay wax-barashaddiisii dugseed. Sawirka ka muuqda tuuladdaas iyo dayac-xummadda haysa dugsigii uu ka baxay waa kaaf iyo kala dheeri, dugsigaas oo xitaa ay jiingaddii sare ka maqantahay, iyaddoo ay tuuladdaas aanay lahayn habayaraatee adeega bulshadda ee assaasiga ah, sidda, xarun caafimaad; xarun nabadgelyo; biyo la'aanina ku habsatay, iyaddoo ceelkii keli ahaana uu dumay oo dib loo dayctirin, oo adeegeedda looga raadiyo meela fog-fog.

Taana waxaa dheer oo aynu xasuusanaa doorashooyinkii Golaha Wakiiladda iyo sidda uu ka dhigay degmaddii Ceel-afweyn oo uu kula baxay, HARAG MADHAN SIDE, ka dib markii hal xildhibaana ka soo bixi waayey, ka dib markii uu isdaba mariyey coddadkii dadka isagoo u boobaaya coddadka danahiisa, codadkii ummaddiisana ka doorbiday inuu Dahir Rayaale ku beer la xawsaddo.

Haddaba, Cabdillahi oo 17kii sannadood ee u danbeeyey wasiir ka ahaa dawladdahii kala danbeeyey, isla markaana ah wasiirka ugu cimri dherer ka badnaa, ayaan haddana dib u eegin halkii uu ka yimi. Waxaa maanta ayaan daro ah inuu Cabdillahi ku andacoodo ama ka dhigto cimri dherer Guurtidda oo u kordhisa wakhtiga si ay u sii fadhataystaan hantidda yar ee ummadda.

Inagoo sawirkaa aan tilmaamay tixraacayna, ma u malaynaysaan ummadd yahay inuu Cabdillahi Ducaale Somaliland dan ka leeyahay? Haddaba, kaga quusta wasiirka Huluul.

Waridaad media centre

No comments: