Friday, April 18, 2008

Gorayadu Maxay Ciyaarta Lug Keliya U Gelisaa?

(Waridaad) - Waxaan u jawaabi lahaa Wasiirka Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare], oo shir jaraa'id ku dhaliilay Komishanka iyo axsaabta mucaaradka ah, waxaanaan leeyahay. Horta hadii laguu dhiibay xil wasiirnimo, dalkuna aanu wax soo saar lahayn sida aad ka dhawaajisay maxay adiga shaqadaadu tahay?.

Ma inaad kursi bush ah iyo miis weyn ku leexaysataa, mise waa inaad afkaar iyo orod badan la timaado aad dadka baahan ee aan aqoon sida dalagyada beeraha loo beerto aad wax u barto ama biyo xidheenada aad sheegayso aad kaga dhabayso oo aad noo qabato biyaha mara togagga waaweyn ee dalka ee biyaha ku shubma badweynta Hindiya.

Waxaan walaalkay Aadan leeyahay, hadii la yidhi ha la yareeyo hadalada xag xagashada ah ee dhaawici kara qabashada doorashada soo socota, lana ixtiraamo Komishanka iyo asxaabta go'aankooda maxaa kelifay in adigoo beero laguu diray inaad ka shaqayso inaad faraha la soo gasho shaqo aanad lahayn. Af-hayeen bay dawladdu leedahaye u dhaaf hadalka af-hayeenka dawladda.

Tani waxay ina tusaysaa in golaha wasiiradu ay ku soo talo galeen in aanay joojin weerarada iyo af-lagaadooyinka ay ku qod qodayaan axsaabta mucaaradka ah, si arimaha doorashooyinka uu mad madow u galo. Taana waxa tusaale u ah inta Wasiir ee hadashay oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Maaliyadda, Daakhiliga, Arimaha Debedda, Hawlaha Guud, Wershedaha iyo adigoo Aadan ah, markaa taasi miyaanay cadaynayn inaanay xukuumaddu diyaar u ahayn inay doorasho dhacdo. Markaa ma waxa yooyootamaya Asxaabta mucaaradka ah mise Xukuumadda is-bar bar yaacaysa ee aan kala lahayn minjo iyo madax.


Murtida sare ee cinwaanka aan uga dhigay maqaalkaygan gaaban ayaa iyadoo dhamaystiran odhanaysay.Gorayo ayaa la weydiiyey oo lagu yidhi – Gorayoy maxaad horta ciyaarta lug keliya u soo gelisaa?, waxayna ugu jawaabtay 'Hadii aan dareemo in ciyaartu ay isku dubbo dhacsantahayna ta kale ayaan la soo gala, laakiin hadii aan dareemo inay dhabaqsantahay tii hore aan u geliyey ayaan kala noqdaa.Maxaa hadaba la gudboon, asxaabta mucaaradka ah?

Waxaan ku talin lahaa in laga roonaado xukuumadda oo la sugo inta ka hadhay 15th May 2008, markaasay ciyaartu isku dubba dhacaysaaye la suga wacdaraha iyo is labo rogga – xaragadana sidaa ku qaata.

GORAYO" YOOYOOTAN REEBAN ILAA WAKHTIGAA INOO CAYIMAN.

Mohamed Hussein Roble
roble4@gmail.com

No comments: