Wednesday, April 30, 2008

Kelitalisnimada Riyaale iyo golihii Maanta: “Adeer waad edeb daran tahaye Fadhiiso.. Bilaa edebyahow Aamus,” Madaxweyne Riyaale

(Waridaad) - Golihii keli ahaa ee Shacbiga Somaliland sida dimuqraadiga ah u soo doortay, isla markaana ahaa astaan u taagan dimuqraadiyadda Somaliland ayaa ogolaaday inuu hoggaamiyo fadhi la mid ah golihii Shacabka ee Siyaad Barre, isla markaana dhegeysto khudbad keli-taliye aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin Wakiillada la soo doortay iyo xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee ay ku camalfalaan golahooda dhexdiisa iyo guud ahaan xaqa ra’yi dhiibashada.

Fadhigii maanta ee uu Madaxweyne Riyaale khudbadda uga jeediyey labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa ahaa mid lama filaan ah ugu soo beegmay xilli xasaasi ah oo aad loogu baahnaa in la maqlo hadalka hoggaanka dalka ugu sarreeya oo uu saaran yahay xilka ugu weyn xaaladda noocan oo kale ah. Waxa iyana muhiim ahayd inuu hortago Golihii sharci dejinta oo ay fadhiyaan wakiillo huwan haybaddii ummadda, loona igmaday inay shacbiga u ilaaliyaan danahooda, weliba waqtigan oo dood iyo xaalad xasaasi ahi ay taagan tahay, taas oo salka ku haysa arrimo sharci oo ah shaqadoodii, sicir bararka maceeshadda, korodhka qiimaha shidaalka iyo cashuuraha oo ah waxyaabo ay dadweynaha ay wakiilka ka yihiin danaynayaan in dowladdu wax ka qabato, iyada oo wakiilladana uu xil ka saaran yahay inay culays ku saaraan waaxda fulinta ama xukuumadda wax ka qabashada arrimahaas. Waxay ahayd fursad soo martay Golaha Wakiillada la soo doortay inay halkaa ku weydiiyaan su’aalo badan oo taabanaya baahida dadka ay wakiilada ka yihiin ama maskaxdooda ku jira iyo kuwo khuseeya aragtiyaha siyaasadeed ee lagu kala duwan yahay iyo weliba su’aalo badan oo Gole ahaan ay uga tabanayaan Madaxweynaha iyo golihiisa fulinta. Waxa kale oo fursad ahayd in fadhigaa wadajirka ah uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, maadaama marka Guddoomiyaha Guurtidu maqan yahay uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu guddoominayo fadhiga wadajirka ah ee labada Gole........Maqaalkii oo dhan

No comments: