Wednesday, April 02, 2008

Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland oo soo gaadhay laascaanood

(Waridaad) - Waxaa goor dhowayd soo gaadhay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Wefdi aad ubalaadhan oo hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka J.Somaliland Axmed Yusuf yaasiin iyo Col: Axmed Cabdi Xaabsade iyo waliba wasiiro aad utiro badan.

Wefdifga madaxwaynaha ayaa si aada loogu soo dhowaayey magaalada laascaanood iyadoona la dejiyey Hotal Xamdi oo 2km dhanka bariga ka xiga Magaalada laascaanood halkaas oo hada kula shirayo odayaasha dhaqanka magaalada iyo ururrada bulshada Rayidka ah .

Ujeedada Socdaalka wefdigan ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhi u kuurgalka abaaraha ba’an ee ka jira gobolada Bari ee Somaliland taas oo ay hada masuuliyiinta Somaliland isku dayayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadwaynaha ay dhibaatadu ka soo gaadhay abaarahaasi..

Xaflada soo dhowaynta Mudane: Axmed yuusuf yaasiin iyo wefdiga la socda ayaa hada si toosa uga socota Holtel Xamdi waxaana maanta la fasaxay dhamaanka iskuulada magaalada ka dib markii uu sidaasi ku wargeliyey Maamulayaasha iskuulada Gudoomiyaha gobolka Sool Cali Sandulle

WAXAAN GOOR DHOOW DIIN SOO GUDBIN DOONAA SAWIRADA SOO DHOWAYNTA , NUXURKA QUDBADA MADAXWAYNE KU XIGEENKA oo faahfaahsan IYO WALIBA TIRADA IYO MAGACYADA WEFDIGA SOMALILAND EE LAASCAANOOD SOO GAADHAY HA FOGAAN


http://www.afnugaal.com/

Axmed Cabdi Laahi
Afnugaal.com Laascaanood

No comments: