Friday, April 11, 2008

Yaa burbinaya Somaliland?

(Waridaad) - Yooyootanku wuu batay, dalkana waxa lala doonayaa inuu burburo, cidda burburka wadaana way muuqataa.

Waa mar dastuurka la baal maro oo lagu kaco dawlad ahaan iyo guurti ahaanba arimo ka soo horjeeda waxa dastuurka aynu dhiganay oo awelba dhanka ka rarnaa uu dhigayo iyo mar laga dhigo la toosiyaana banaan oo la yidhaahdo dastuurku wuxuu dhigayaa in lix bilood loo dhexaysiiyo labada doorasho soo loogu cimri dheeraysto.

Hadaba su'aasha sare waxay muuqanaysaa markaad ka fiirsato facaailka dawladda iyo guurtida oo ah inagu kala kexeeya meesha, labadoodaba waxa u muuqda shilalkii lagu qali lahaa oo dadku way ka daaleen is dabo marintooda, musuqooda iyo maamul-xumadoodaba.

Caqliga saliimka ahi wuxuu sheegayaa in la kala roonaado, waxase jirta in hadii la is xiniinyo taabto ay tegeyso meel aynaan haabkeedba hayn.

Talo iyo tusaalaynba waa lagala quustay dawladda iyo Odayaasha Guurtida waxaanse kula talin lahaa mucaaradka waxa la idinka helay gol jileyc iyo debecsanaan badan, dadkuna ma jecla in aad mar walba qaadataan go'aamo aydaan ka fiirsan.

Waraaqda guurtidu maanta ay furtay ee odhanaysa 1 sanno oo dambe ha loo kordhi madaxweynaha oo ay ku qornayd April 15, 2009 waanu ogayn inay miiska madaxweynaha saarnayd wax la yeelayona ma'aha.

Gunaanadkii yaanay maalin dhaafin wakhtiga madaxweynaha uga hadhay wakhtigiisii oo ku eg April 14, 2008
full stop.

Golaha Guurtidana waxaan leeyahay maanta laga bilaabo in wax la idinka maqlo ma istaahishaan, waayo dhex dhexaadnimadii waad soo dhaafteen, dalkana cidda burburka u horseedaysaa waa idinka iyo maamulka dalka haya ee meel ku suntada.


Mahadsanidin

Mohamed Hussein Roble
roble4@gmail.com

No comments: