Wednesday, April 09, 2008

Is-hortaeaga Muddo Kordhinta Xukuumadda Iyo Qarax Ka Dhacay Xarunta Golaha Guurtida

(Waridaad) - Fadhigii caadiga ahaa ee golaha guurtida Somaliland ayaa qabsoomi waayay maanta, kaasoo loogu balansanaa in mudanayaasha golaha lasoo hordhigo muddo kordhin xukuumadda Somaliland.

Saaka subaxii hore ayaa waxa xarunta golaha guurtida ku gadooday shacab fara badan iyo Madaxdii Asxaabta Mucaarid oo yaguna horkacayay shacabkaas. Dhinaca xukuumadda Somaliland ayaa wakhti yar gudaheed soo dhoobtay ciidan hubeysan xarunta golaha guurtida, taaso sababi gaadhay in ciidankaas iyo dadweynihii halkaa joogay isku dhacaan.

yada oo xaaladdu kacsantahay ayaa waxa yaguna yimi xarunta golaha guurtida madaxda Komishankii qaranka, kuwaas oo isku dayay inay dejiyaan xaaladda si aanu isku dhac halkaa uuga iman. Xubnaha koomishanka qaranka ee goobtaas yimi ayaa sheegay in iyaga iyo asxaabtu ay meel wax isla soo dhigi doonaan.

Arrinkan ayaa waxu ka dhashay kadib markii ay cadaatay in xukuumadda Md Rayale oo wakhtigii la doortay kaga egtahay bishan ay damacsan tahay wakhti kordhin sharciga baal marsan in golaha guurtidu u sameeyo.

Waxaa ilaa xalay la arkayay dhaq dhaqaaq xubno ka mid ah golaha guurtida, sida Xaaji Cabdi waraabe, Sheekh, Ahmed Nuur Fure iyo Xoghayaha Guurtida C/laahi Dheere oo bangiga weyn ka qaadaya lacagoo faro badan.

Saaka subaxnimadii markii mudanayaasha guurtidu isugu soo xaadireen golaha ayaa waxa buuxsami waayay kooramkii oo ay ka dhinaayeen laba xubnood. Taasina waxa ay keliftay on Madaxweyne xigeenka iyo Weftigiisa ku maqan socdaalka gobolada Barri oo ay la socdaan ilaa 10-xubnood oo Guurtiya uu Madaxweyne Riyaale ku amray inuu deg-deg u soo galo dalka si kooramka guurtidu u buuxsano, halkaasna muddo kordhin loogu sameeyo.

QARAXA GUURTIDA

Galinkii danbe abaaro 12:00 duhurnimo ayaa qarax weyni ka dhacay Xaruntii Guurtida. Ma caadda cidda ka danbaysay qaraxaas. Sida wararku nagu soo gaadhayan waxa booliska Somaliland xidhay Xoghayihii gaarka ahaa ee Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mr Saleebaan Maxamed Adan, oo aan isagana wax lagu hayo aanay cadayn, balse la filayo in arinta xidhay lugta ku hayso arin Siyaasadeed.

1 comment:

Anonymous said...

Welcome to Mogadishu, my friend.

I am disgusted to put it mildly, the way things are going on you will be ruled by Mogadishu again.