Tuesday, July 01, 2008

Faallo: Galbeedow Ha kala Goyn Somaliland

(Waridaad)-Somalidu waxay ku maahmaahdaa: ‘Ninka aan garan waxa jooga waxa soo socdana ma garto’, waxay kale oo ku maahmaahdaa ‘Walaalo is-neceb way xoolo yareeyaan waanay xabaalo badiyaan’. Waxaan labadan maahmaahood ula jeedaa ayaa-xumada ka dhalankarta hadallo beryahanba ka soo yeedhayay dad u dhashay degaanka Hargeysa kuwaas oo uu dabada ka riixayo cadowga ka naxa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland kuna farxa burburkeeda markastana ku hawlan sidii la iskaga horkeenilahaa ummadda Somaliland loona gelinlahaa dagaal sokeeye oo dib ugu cesha Somalia. Hadaladaas dhiillada xambaarsan waxaa ka mid ah: Reer Barigu Hargeysa haka baxo, Habarjeclo Hargeysa haka baxdo. Arrimahanu waxay muujinayaan hordhaca saansaanka qaran-jab waayo haddii caasimad ummad oo ah meel la wada leeyahay dhismaheeda iyo maamulkeeda lagu kala tago dawladnimadana waa lagu kala tagaa haddii dawladnimada lagu kala tagana colaad ayaa timaada iyo burbur......Guji

1 comment:

Anonymous said...

Waar ninkan waan ku raac sanay,ana keentay qaar badan oo idhan jiray hargeysaan llenay ma markii loo dhisay leeyiin sowtan layna qabsaday adeer marfashyada hawga sheekeeyaanee daaya
Maxaa yeeley nin wax isku falayaa axa kuma hadlee. ta labaad axmed quik it been long time hit me @ zgeddi@gmail.com