Wednesday, July 16, 2008

Ganacsatada Xoolaha oo loo fasaxay inay dhoofiyaan Xoolo ay soo tubeen Dekedda

(Waridaad)-Xukuumadda Riyaale ayaa u ogolaatay ganacsatada xoolaha inay dekedda Berbera ka dhoofiyaan adhi dammaan ay maalmihii la soo dhaafay soo tubeen dekedda, si ay ugu dhoofiyaan dalka Sucuudiga, kadib olole xoog leh oo ay kaga soo horjeesteen heshiiska dhoofka xoolaha loogu xidhay Ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al Jaabiri.

Go’aankan oo Madaxtooyada laga sugayey maalmihii la soo dhaafay si rasmi ah looma faafin, balse, ganacsatada xoolaha ayaa caawa caddeeyey in loo ogolaaday inay dhoofiyaan xoolahooda dekedda ku sugan, wadahadal dambena la isugu soo noqdo Khamiista. Waxayna isla caawa bilaabeen inay dekedda ka dhoofiyaan xoolihii u joogey.

Ganacsatada muwaadiniinta ah ee xoolaha ayaa halgan ugu jirey beryahan dambe in dhoofka xoolaha ay kula tartamaan Al Jaabiri oo xukuumaddu la gashay heshiis ay kooto ugu xidhayso xoolaha u dhoofaya Sucuudiga, isla markaana uu ku qaadanayo qiime aad u hooseeya. Waxayna ganacsatadu keeneen maalqabeenno kale oo Sucuudi ah oo danaynaya inay qaataan xoolaha Somaliland.

Ganacsadaha Al Jaabiri ayaa isagu shalay dalka soo gaadhey, waxana uu wadahadal la yeeshay Daahir Riyaale oo ay isla eegayeen caqabadaha iyo cadaadiska ka yimi heshiiskii hore, balse, wax war ahi kama soo bixin wixii ay ka wadahadleen.

C/risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: