Monday, July 14, 2008

Waridaad oo baroordiiq tiiraanyo leh u diraysa eheladii Xaaji Ugaas Jaamac Ugaas Muxumad Ugaas Cilmi

(Waridaad)-Maamulka Waridaad wuxuu baroordiiq tiiraanyo leh u dirayaa eheladii Xaaji Jaamac Muxumad Cilmi oo maanta ku geeriyooday magaalada Boorama iyada oo da’diisu boqolka ku dhawdahay amse dhaaftayba.

Allaha u naxariistee Xaaji Jaamac Muxumad wuxu ka mid ahaa duqaydii caanka ku ahaa gobolka Awdal ee ka soo qayb qaatay gobonimadii lixadankii. Wuxu u tartamay baarlamaankii ugu horreeyey ee Somaaliyeed sannadkii lixdankii. Wuxu Xaaji Jaamac caan ku ahaa u ololaynta iyo ku baraarujinta dadka dhinaca waxbarashada. Wuxu kale oo Xaaji Jaamac qayb libaax ka soo qaatay dhismaha Jaamacadda Camuud isaga oo ahaa Gudoomiyaha Golaha Odayaasha ee Jaamacadda Camuud.

Waxa kale oo lagu xusuustaa qaybtii uu ka soo qaatay nabadaynta beelaha Somaliland markii la aasaasay Somaliland isaga oo qayb libaax ka qaatay shirkii Boorama ee lagu soo dhisay xukuumadii Maxamed Ibraahim Cigaal.

Marxuumka oo lagu aasi doono Magaalada Borama maalinta bari sida la filayo, wuxuu Alla ha u naxariistee ifka kaga tegey 58 Carruur ah oo isugu jira, kuwo uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen.

Waxaanu si gaar ahna u tacsiyadaynaynaa Xuseen, Cumar iyo Maxamud Xaaji Jaamac Muxumad Cilmi oo dhamaantooduba deganyahiin dalka Kanada.

Waxaan Xaaji Jaamac ilaahay uga baryeynaa naxariistii Janno, eheladiisii, asxaabtiisii iyo dadka reer Awdana waxan leenahay Ilaahay ha idinka siiyo samir iyo iimaan.

Waridaad media centre

No comments: