Monday, July 28, 2008

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo Oo Tacsi u Diraya Eheladii Suldaan Maxamed Cabdi Cali

(Waridaad)- TACSI Geeri Naxdin Leh

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii,Qaraabaddii,Ehelkii iyo dhamaan shacbiga Somaliland uu ka baxay Marxuun Suldaan Maxamed Cabdi Cali oo xalay 26.07.2008 ku geeriyooday degmada Gar-Adag ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumka inuu janadii Fardawsa ka waraabshi dhamaan intii uu ka baxayna ,Samir iyo iimaana ka siiyo.


INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Ahmed Mohamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

No comments: