Thursday, July 31, 2008

Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Meelmariyey Go’aan Xaaraantinimaynaya Heshiiska Al-jabiri

(Waridaad)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay go’aan ka soo saaray muranka ganacsiga dhoofka xoolaha nool, kaas oo ay ku sheegeen in sida ku cad dastuurka dalka ganacisga xooluhu ku salaysan yahay suuqa xorta ah, isla markaana aanay xukuumaddu ku dhaqmi Karin heshiis aan waafaqsanayn dastuurka.

Go’aanka Golaha Wakiilladu ka soo saaray khilaafka ba’an ee ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha oo ka kooban afar qodob, waxa uu ka dambeeyey dood kulul oo mudanayaashu ka yeesheen arrintan oo muddo laba maalmood ah socotay, isla markaana ay ka qaybqaateen 21 mudane oo intooda badani si weyn xukuumadda ugu dhaleeceeyey masuuliyadda khilaafka ba’an ee ka taagan xoolaha. Qodobadda goluhu go’aamiyey waxa ka mid ah in dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay la horkeeno Golaha Wakiillada si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Fadhiga shalay oo uu hagayey Guddoomiyaha Goluhu Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in doodii mudanayaashu ka yeesheen muranka dhoofka xoolaha ay afar qodob ka soo saareen, balse ay jireen soo jeedimo kale oo qaar ka mid ah xildhibaanadu ku doodeen, kuwaas oo uu xusay in aan weli la gaadhin ama aanay dooduba khusayn.

Guddoomiyuhu waxa uu mudanayaasha ka dalbay inay u codeeyaan qodobada ay soo saareen, si ay u noqdaan go’aan gole, waxaana fadhiga oo ay joogeen 46 mudane qodobadaas ogolaaday 44 mudane, cid diidayna may jirin, hal mudanena wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay go’aankaasi.

Qodobada go’aanka goluhu ansiyey oo faahfaahsanina waxay u qornaayeen sidan:

“Waxay dooddu bilaabantay 27/07/2008, waxaanay dhammaatay 28/07/2008. Dooddan waxa ka qaybqaatay 21 mudane oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada. Mudanayaashu waxay dooddaada u dhiibteen si xirfad iyo farshaxanimo leh iyada oo ay mudanayaashu afkaartooda ku aroorinayeen sharciyada, maadaama oo ay yihiin Gole Sharci Dejineed, isla markaana waajib ay ku tahay ilaalinta sharciga oo uu sal u yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaashu waxay isdul-taageen carrabkana ku celceliyeen in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, ka ganacsiga xooluhuna yahay khayraadka 1aad ee ummaddan nolosheedu ku tirsan tahay.

Haddaba, doodad mudanayaashu waxa nuxurkeedu isugu soo biyo shubtay kuna gabagaboy qoddobadan:-

1. In ganacisga dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad Qodobka 11aad ee Dastuurka dalka. Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan.

2. In dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay ee leh sifada ku cad Qodobka 53aad faqradiisa 3aad la horkeeno Golaha Wakiillada, si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

3. In loo yeedho cid kasta oo ku lug leh ama ay khusayso arrinta ganacsiga adhiga, si loo helo xogta iyo xaqiiqda ku xeeran Ganacsiga Adhiga sida Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Ganacsiga, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Adhiga.

4. In Goluhu u saaro guddi gaar ah (Adhoc Committee) dhibaatada dhoofka xoolaha.”

Jamhuuriya

No comments: