Sunday, July 13, 2008

Salaadiinta Reer Boorama Oo Si Kulul Uga Hadlay Xiisadihii U Dambeeyay Ee Dalka Ka Dhacay

(Waridaad)-“Soomaaliya cida Somaliland Ka Reebtay Waa Reer Awdal Ee taas Ha La Ogaado Ninka Aan Maanta Ogolayn In La Xukumana Bari Cidna Xukumi Maayo” Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Biyaha aan Afkooda arkayaana dabadoodu maxay noqon, waar ragaasoow dalkan waxba idiinma yaalaan ayaan leeyahay……….Maantaa la fudud yahaye maxaan Ictiraaf Ku Raadinaa Hadiiba”……. Suldaan Baade

Boorama-(Lug)-Suldaan. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Xasan Xadi oo loo yaqaan Suldaan Baade ayaa maanta qabray shir jaraa’id oo ay kaga warbixinayaan xaalada dalka ee maanta gaar ahaan xiisadihii ka dhashay riigii dhawaanta ay dadka ku dhaqan koonfurta Hargaysaad ka mudaharaadeen. Salaadiintu waxa ay si kulul uga war bixiyeen in xiisadaha taagani ay abuuri karaan xasilooni daro iyo in dalkan Somaliland ay wax badan iska badalaan nabadii uu ku faanayay........Baaqii oo dhan

No comments: