Tuesday, August 05, 2008

Qayla dhaan gurmad doon ah oo ka timi Wasiir Talaabo oo ku xayiran qol ka mida Hotel Meridian ee Adis-Ababa

(Waridaad)-


Qayla dhaan gurmad doon ah oo ka timi Wasiir Talaabo oo ku xayiran qol ka mida Hotel Meridian ee Adis-Ababa-Waraysi Khaas ahHargeysa (Ogaal) – Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo ayaa sheegay inuu ku xayiran-yahay Hoteelka Mariidiyan (Meridian) ee magaalada Adis Ababa oo ku yeeshay Dayn lacageed, Islamarkaana wuxu ku eedeeyay Wasiirrada Maaliyada iyo Arrimaha dibada masuuliyada dhibaato culus oo uu sheegay inay haysato.

Waqti ku siman Sadex bilood iyo maalmo ayaa Wasiir ku xigeenka Cadaaladu ka siii maqnaa Xarunta Hargeysa. Islamarkaana, waxa qasdiga tagistiisu ahayd inuu u gudbo dalka Ingiriiska oo uu u tagayay daaweyn. Hase-yeeshee, Labadii maalmood ee u danbeeyay waxa isa soo tarayay tibaaxo Muujinayay in Wasiir Talaabo weli ku sugan-yahay magaalada Adis-Ababa oo aanu dhinac-na u dhaafin intii uu ka sii maqnaa Somaliland. Xogahaasi waxay intaa ku darayeen, In Wasiirku nolol ahaan xaalad adag ku sugan-yahay dhaqaale la’aan darteed. Sidaas awgeed, waxa u suurtagashay Wargeyska Ogaal Inay Khadka Telefoonka isku helaan Wasiir Talaabo.

Waraysi aanu arrintaa kala yeelanayna wuxuu u dhacay sidan:

Ogaal: Waxa na soo gaadhay warar ka dayrinaya Xaaladaada nololeed wakhtigan, Arrintaa bal ka waran?

Talaabo: Way jirtaa arrintaasi, weliba waan xidhnahay. Markii hore dawladaa balan-qaaday wixii kharash ah inay bixiso oo Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa warqad qortay ay ku cadaynayso arrintaa. Markaa wakhtigii hore Baasaaboorkayga iyo alaabta ayaa layga haystay oo waxay ahayd uun inaanan Magaaladda ka bixin, inta lacagta Huteelka la bixinayo. Imikana waxaan gaadhay heer aan toban cisho ku xidhanahay qolkaygii oo aan Safaaradii oo sadex sakadood noo dhexeeyaa iigu iman, oo aanay Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka oo Hilton ku jiraa ii iman. Afarta Gudoomiye ee Jaamacadaha Somaliland ayaa Iigu yimi meesha oo waxoogaa lacag ah oo aan ayaamo ku noolaaday I siiyay.Qolada Hoteelka ee I haysata, markii hore Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa la soo hadlay, waraaqna (Fax) u soo diray, afkana wuu kala hadlay. Hase-yeeshee, markii muddadii uu u qabtay oo ahayd 25 cisho ay dhamaatay, ayuu hadana todoba cisho qabsaday. Muddadaasina waxay ku buuxday bishii tagtay 1-deedii, hadana 15 cisho ayuu qabsadey. Balse, Cabdillaahi (Wasiirka Arrimaha dibada) markii danbe siduu u lahaa maantaan soo dirayaa, berri ayaa la soo dirayaa, ayuu markii dambe Telefankiiba goostay. Waxay haystaan qolada Huteelku warqadii uu soo qoray, waxay haystaan balan-qaadkii qoraalka ahaa ee Safaaradda Somaliland. Laakiin, markii dambe way xanaaqeen oo Qareen bay qabsadeen, dabadeedna waxa dhacday in lagu yidhi lama Ogola in ninkan Dublamaasiga ah Jeelka lagu xidho arrintuna, mid heer Maxkamadeed gaadhaye u kaadiya. Dabadeedna waraaqihii ayay Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya geeyeen, waxaanay yidhaahdeen Aqalkayaga ka bixi maayo ee wuxuu noogu xidhnaanayaa qolkayaga, ka dibna waxa la yidhi bal Huteelka uun ha joogo. Huteelkuna meel Daarad ah iyo wax dayr ah oo loo baxo malaha.

Ogaal: Huteelka magacii?

Talaabo: Mariidiyan (Meridian).

Ogaal: Lacagta Huteelku kugu leeyahay waa imisa?

Talaabo: Illaa $7000 Doollar weeye lacagta la ii haystaa. Waayo, meesha saddex bilood iyo dheeraad ayaan joogay, bil iyo badh-na waa laygu haystay.Ogaal: Waxa la sheegay in markii hore qasdigaagu ahaa inaad arrimoCaafimaad ugu baxdo Ingiriiska. Markaa, maxaa keenay inaad saddex bilood Itoobiya joogto ee aad u dhaafi weyday?Talaabo: Safiirka Ingiriisku Hargeysa wuu yimi iyaguna (Xukuumaddu) saddex jeer ayay u yimaadeen, aniguna waan la soo hadlay oo waxaan ku idhi, waar ninka safiirka ah la soo hadla, dabadeed-na mar kasta waayahay baa lay odhanayay, hadana marka danbe ayuu Safiirku diidmo kale keenaa. Markaa, laba bilood kuwaas ayaa I caansiirinayayoo xaga Fiisahaan ku laalaa.

Ogaal: Hadda, Fiisihii ma lagu siiyay?

Talaabo: Maya, laba jeer ayay ii diideen. Markaa, mar labaad kii ay ii diideen ayay igu yidhaahdeen ambiil qaado, aniguna waan diiday oo waxaan qoladan (dawlada Somaliland) ku idhi, waar aan meesha ka soo baxo oo lacagtu yay igu badane soo bixiya daynta. Telefoonka Madaxweynaha waa la igu xidhi waayay muddo badan, Cabdillaahi ayaa arrintaadii wada ee joog ayuun buu Axmed-yare (Xoghaynta Madaxweynuhu) I yidhaahdaa. Dabadeedna, Guddoomiyaha Komishanka ayaan fariin soo faray. Waxa kale oo aan fariin soo faray Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB (Bullaale). markii Telefoonadii Odayga la igu xidhi waayay, ka dib Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaan la hadlay, dabadeed wuxuu yidhi warqad ha la qoro oo Safaaraddu ha qorto biilkana Hargeysa u soo dira. isaga (Wasiirka Khaarajiga) ayaa la soo hadlay (Huteelka), biil bay dalaceen, isaguna wuxuu u soo diray Fax (fariin) uu leeyahay lacagtii waa naloo aqbalay oo saasay u qoran tahay oo warqad dheer ayuu u soo diray. Safaaraddana balan-qaad rasmi ah (Guarantee) ayay ka qaadeen. Laakiin, waxay diideen inaan anigu ka tago illaa lacagtu timaado.

Ogaal: Markaa arrintan intaa le’eg yaa ka masuul ah oo aad u aanaynaysaa?

Tallaabo: Wasaaradda Khaarajiga ayaa Jazz ila ciyaartay. Arrinta Fiisaha xataa saddex jeer ayuu Gaalku u yimiyoo waar ninka la soo hadla ayaan ku odhan jiray mar kasta. Arimahan I haysta waxaan u tirinayaa Cawil iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale Laba Bilood ayaan adkaysanayay oo aan u xil-qarinayay.

Ogaal: Oo Wasiirka Maaliyada Somaliland iyo Guddoomiyaha Baanku hada ma waxay joogaan Addis Ababa?

Tallaabo: Cabdiraxmaan Ducaale iyo Cawil waxay ku jiraan Hilton-kan agtayda ah ee ugu qaalisan. Ma ogola in telefoon lagala hadlo iyo inay bixiyaan midna. Cabdiraxmaan dorraad buu yimiye, Cawil todoba cisho ayuu joogay, markii horena wuu iigu yimi meesha oo waan u sheegay qadiyada, isla markaana waxaan ku idhi arrinta soo de-dejiya, maxaad leedihiin. Markaa hore maan ogayn ayuu igu yidhi. Balse, Markan dambe sidaan isu lahaa waa la soo sidaa wataa…wax Allaale iyo wixii ay lahaayeen kuwaasi waanu soo diraynaa. Markaa, dadkii uunbay lugooyeen. Safaaradda Somaliland-na Odaygii joogay Maraykan ayuu Baasaaboor u doontay, oo ayaan dhawayd intan aan xidhnaa ayaa la yidhi wuu yimi, balse isna weli iima iman.

Ogaal: Waxaad ka mid ahayd Wasiiradda sida aadka ah u difaaca hogaaminta Madaxweyne Rayaale, Islamarkaana waxa lagugu tiriyaa raga ay aadka isugu dhaw-dhaw yihiin. markaa maxaa keenay in dayaca noocaas ahi uu ku dhaco hawlahaaga?

Tallaabo: Waa sheeko iga dambaysay oo aanan hore u arki jirin, waa ged cusub oo aad moodo inay kaadh-ka-gubis loola jeedo, oo sheekadana waad garan kartaayoo dadkan lacagtooda hadii loo soo diri waayo dee Maxkamad bay kuu gudbin karaan, marka dawlada aan ka midka ahay ku soo degayso Shareton iyo Hillton, Islamarkaana kuwii lacagtu yimaadeen, Cabdi Xasan Buuni yimi, intaasoo Wasiir iyo intaasoo Komishan-ba yimaadeen Addis Ababa, dawladii oo dhamina hadba dhinac ay ii dhaaf-dhaafayso, war walbana ay helayaan (Qolada Huteelku). Imikana markii Cawil yimi ayay meel igu oodeen, qoraaladii damaanada ahaa ee loo soo dirayay oo dhana way haystaan, markaa aniga uun maahee dawlada Somaliland oo dhan ayay xishmadeedii meesha ku wada luntay. Aniguna Jeel dawladeed kuma jiree Jeel Naag shacbi ah (Huteelka) ayaan ku jiraa. Si xun ayaa meesha la iigu galay.

Ogaal: Hada, maxaad Xukuumadda aad ka midka tahay u soo jeedinaysaa?

Tallaabo: Wax allaala iyo waxaan u soo jeedinayaa ma jirto. Waayo waabay I arkaane. waxa la yidhi nin fadhigaaga arkaya looma sare-joogsado. Laakiin, ciddii kale ee iga bixinaysa ayaan la hadlayaa, waayo dawlada ficilikii waabuu u muuqdaa haday wax ka qabanayaan, illeyn halkan qaar baa ila jooga, halkaana (Hargeysa) qaar baa jooga, Safaaraddiina saddex sakadood ayaa noo dhexeeya’e.

Ogaal: Laakiin, markaad sidaa u hadlayso ma waxaad u jeedaa inaad xilkii aad haysay iska casilayso, Xukuumaddana aad ka tagayso markaa ka bacdi?

Tallaabo: Waxaan yeelayo ee dambe kamaan hadlin. Balse, waxaan ka hadlayaa baahida iyo mushkiladan jirta ee wakhtigan taagan iyo khatartan aan ku jiro. Waayo, wax waliba way igu dhici karaan oo qof baan u xidhnahay, Xabsi dawladeed oo amaankayga la sugayo kuma jiro, qof baan u xidhnahay, weliba dumar ah oo waxay doonto samayn karta hadii dawladaadii hadalba laga waayo. Sababtoo ah markii horeba Wasaaradda Arrimaha dibadu waraaqihii ay u gaysay way ku qanceen.

Ogaal: Kol haday waraaqihii ay aqbaleen ee Wasaaradda Khaarajiga iyo Safaaraddaba ay haystaan maxaa dhacay markan dambe ee ay kuu haystaan?

Tallaabo: Dee balan-qaadyadii loo qabtay oo dhan ayaa dhamaaday, illaa markii dambe la gaadhsiiyay heer Telefoonadii laga qaban waayay. Markaa, mushkiladu waxay joogtaa marxaladaa xalka u baahan. Gunteediina maan gaadhinoo Wasaaradda Khaarajigu waxay nagu lahayd Madaxweynuhu lacagtii wuu soo ogolaaday oo Baanka ayaa foojarku ku sii socdaa, dee goor wax is bedaleen garan maayo. Balse taa waxaad waydiin kartaan Cawil iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo subax kasta aniga iyo Safaaraddaba nala soo hadli jiray oo odhan jiray lacagtii waan soo sidaa.

Ogaal: Markaa siduu u muuqanayaa ficilka noocan ah ee Xukuumadda gudeheedii ka dhacayaa?

Tallaabo: Dee waa wax baadhis u baahan xagiinaa (Somaliland). aniga dhinac ayaa iga qarsoon, nin baa yidhi wax la ridqayana waan maqlayaa, laakiin Mixdinkii iyo Caaligii ayaa iga qarsoon, aniguna sidaas oo kale, Kuugiina halkaas ayuu joogaa, shaxdanina qaab ay u socoto garan maayo oo qayb ayaa iga qarsoon. Laakiin meeshan karaamadaydii iyo karaamadii dawlada oo dhan ayaa lagu bahdilay oo mar qudha ayaa miiska la wada saaray. Lacagtu markii hore waabay yarayde dhawr bilood ayaa meesha la igu canaaday.

Ogaal: Markaa, xaaladaada Caafimaad imika waa sidee?

Tallaabo: Anigu markaan macaan leeyahay ee aan dhiig-kar leeyahay ee aan wadna-xanuun leeyahay ee aan qol yar ku xidhanahay ee Cuntada aan ku noolahay aanay ahayn tii aan jeebkayga kala baxayay ee ku haboonayd bal qiyaas. Dadka xagaa iska daayoo xataa dadka Addis Ababa ayaan I wada ogayn.

Ogaal: Xanuunka aad markii hore Ingiriiska u tagaysay muxuu ahaa?

Tallaabo: Wadne-xanuun weeye.

Ogaal: Daaweynta Ingiriiska yaa bixin lahaa, markaa?

Tallaabo: Qorshuhu wuxuu ahaa in Xukuumaddu wixii kharash ah ee jidka ku baxaya inay bixiso, markaan Igiriiska tagana qolada xagaas iga soo casuuntay ayaa bixinaysay.

No comments: