Saturday, August 09, 2008

Maxaa u qarsoon Cismaan (Buurmadow)

(Waridaad)-Cismaan Aw-maxamuud Buurmadow oo aan ogaa isagoo markay taariikhdu ahayd 1993 lacag kaga qaadanaya saraakiil xabashi ah hotel ka mid ah huteelada waaweyn ee ku yaala magaalada Hargeysa oo ay farayeen inuu kala dhex galo labo beelood oo dega Bariga Burco si aanay faraha uga bixin danaha ay Xabashidu ka lahayd Somalia ayaa hadana u muuqda inuu soo rogaal celiyey mar labaad.

Waxa dhowaan ku booqday Cismaan Buurmadow hotelka uu deganaa ee kuyaala caasimadda Hargeysa Sarkaal ka socda waaxda sirdoonka ee Ethiopia si uu ugu gudbiyo lacag uu uga soo qaaday Ethiopia oo ay ka war hayso Dawladda Somaliland siiba madaxtooyadu si loogu burburiyo shirka ka socda Gar-adag oo ay cabsi weyn ka qabaan Ethiopia iyo xisbiga talada dalka haya ee Udub.

Hadaba waxa caadi ah in uu ninku marka ay wax ku tagaan, waxbana uu u caal waayo uu baroor ciirsado.

Cismaan hadii aad hoos u eegto hababka uu ku shaqaysto ee uu ugu adeego Ethiopia iyo cidii ay dani ka gashoba e.g Riyaale iwm isagoo huwan magac boqornimo uu ku sheeganayo uu huwiyey marxuum Maxamed X.Ibrahim Cigaal, waxa kuu cadaynaysa isagoo la siiyey Diplomatic Passport iyo Satellite Telephone uu toos ugula xidhiidhi karo labada madaxweynaba meesha ay joogaan si uu ugu fuliyo wixii ay ka doonaan, arintanna waxa lagu yaqaanaa uun Basaasiinta.

Cismaan hadii uu sheeganayo boqornimo ama suldaanimo kumay qaadateen 2 sanno iyo in ka badan inuu fadhiyo imaaraatka oo marba la arko isagoo gelaya safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Abu-dhabi.

Hadaba maxaa la gudboon mujtamaca Somaliland iyo Somaliyaba, waxaan kula talin lahaa in Cismaan (Buurmadow) la takooro lana ogaado inuu yahay cadawga koowaad ee aynu leenahay. Ma aha in loo ogolaado inuu damaashaad ku maro mujtamaca dhexdiisa isagoo sheeganaya boqornimo aanu geyin.

Mahadsanidin Ahmed Muuse Abdi

Freelance Journalist

Hargeisa – Somaliland
maandooriye@hotmail.com

No comments: