Tuesday, August 19, 2008

Riyaale iyo Xukuumadiisa oo diiday martiqaadkii shirka Garadag

(Waridaad)-Shirweynaha Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo)uga socdey magaalada Gar’adag ee Gobolka Sanaag oo maanta soogebageboobey ayaa soo saaray baaq iyo go’aamo ka soo baxay arrimihiishirku ka hadlay muddadii uu socdey. Waxaana la filayaa in berrito si rasmiah looga akhriyo baaqyada iyo go’aamada Shirka xaflad ballaadhan oo loosamaynayo xidhitaanka shirka.

Shirka Beelaha Bariga Burco oo si rasmi ah u furmay 26 July, waxa saakalaga akhriyey go’aamo iyo baaqyo 18 qodob ah, kuwaas oo 10 ka mid ahi ayyihiin kuwo gaar u ah beesha iyo danaheeda, halka 8da qodob ee kale ayyihiin kuwo caam ah oo loogu talagalay Saxaafadda.Baaqa iyo Go’aamada Shirka oo uu ku saxeexan yahay Shir-gudoonka ShirkaIyo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan C/Laahi Suldaan CaliMuuse ayaa waxa ay u dhignaayeen Sidan:

1. Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aamin sanyahayIlaalinta Jiritaanka iyo Madax-banaanid Somaliland, waxana uu BeeshaCaalamka, Ururada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, UrurkaIGAD, ugu Baaqayaa inay qadderiyaan rabitaanka Shacbiga Somaliland oo ahaqoonsiga Madax-banaanid Somaliland.

2. Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahayna ilaalintaNabadgelyada Somaliland in ay muhiim tahay.

3. Shirku waxa uu Beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalintaNabada Iyo Nabad-ku-wada noolaanshaha iyo sidoo kale deris-wanaag in laguwada noolaado.

4. Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baaqayaa Nabad-ku-wadanoolaanshaha oo uu aaminsan yahay in ay qayb ka tahay deris wanaaga.

5. Shirku waxa uu canbaaraynayaa dhamaanba falalka argagixiso, Afduub,Jidhdil iyo Dhamaanba Xadgudubada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha oo dhan,cid-kasta oo ku kacda.

6. Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhamaanba xadgudubyada lagu hayoSuuqa Xoolaha Somaliland oo Dastuurku ka dhigaayo mid madax-banaan, Sidaasdaraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in ay farahakala baxdo Suuqa Xoolaha, oo laf dhabar u aha hanaanka dhaqan dhaqaale eedalka.

7. Shirku waxa uu walaacweyn ka qabaa nidaamka DiwaangelintaDoorashooyinka soo socda, gaar ahaan Qodobada odhanaaya “Codbixiyuhu-waxauu ka codayn karaa oo keli ah goobta uu iska diiwaangeliyey”. Waxana uuka codsanayaa Golayaasha Sharcidejinta inay wax ka beddelaan qodobadaas,isla markaana xeerarka dalka la waafajiyo hab-dhaqanka iyo duruufaha dadkareer guuraaga ah.

8. Shirku waxa uu Xukuumada ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagtaGiinbaarta ah ee laga qaato gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo isugujira Kuwo been abuur ah iyo lacagtii Somaliya ee gabowday.Xidhitaanka Shirka:

Xidhitaanka Shirka oo markii hore loogu talagalay in lagu martiqaadoBeelaha kale ee Somaliland iyo madax-dhaqamoodyadooda waxa la sheegay inqorshahaa laga noqday duruufo ay ka mid yihiin fogaanta masaafadaGar’adag u jirto gobolada qaarkood iyo culayska hore u saarnaa magaaladaoo aan qaadi karin culays kale. Waxa kale oo la sheegay in Mudane Riyaale iyo xukuumaddiisu ay diideen inay ka qaybgalaan xafladda xidhitaanka oolagu martiqaaday

No comments: