Sunday, August 24, 2008

Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE oo saaka dib u bilaabmay

(Waridaad)-Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa saaka dib uga bilaabmay Hotelka City Plaza ee magaalada Burco, wuxuuna gudagalay hawshiisii.Shirka oo shalay loo hakiyey arrimo farsamo waxa furitaankiisii hadal ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin oo si kaftan iyo saraaxad leh u soo dhoweeyey shirka, una rajeeyey inuu guuleysto.

Mr. Biin, waxa uu muujiyey in xisbigiisa UDUB uu naawilayo in kala jab ku yimaaddo xisbiga KULMIYE oo shirkiisa ku kala saaraya siyaasiyiinta u loolamaysa musharaxiinta xisbigu u soo saarayo tartanka Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, waxana uu rajeeyey in dadka ka soo cadhooda shirku ay noqdaan tiro yar, isaga oo sidoo kalena ugu duceeyey xisbigiisu inuu ku daydo KULMIYE.Shirka waxa lagu ansixiyey xubnaha Golaha Dhexe ee aan lagu ansixin shirweynihii oo tiradoodu gaadheyso 59. Waxaana la qaybiyey qorshe hawleedka shirka.

Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga waxa ka qaybgelaya dad ka badan 200 oo qof oo isugu jira Golaha Dhexe iyo Martisharaf. Waxana uu si rasmi ah u bilaabmay saaka, kadib markii shirar doceedyo lagu soo xalliley arrimo farsmo oo shirka shalay loo hakiyey.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org,

Burco, Somaliland

No comments: