Saturday, August 09, 2008

Salaadiinta Habar-jeclo Oo Beeniyay In Shirkoodu Yahay Mid Lagu Duminayo Xukuumadda Waxna loogu dhimaayo Dalkeena


(Waridaad)-Salaadiinta Beelaha Habar-jeclo ee ku sugan xarunta shirku uga socda ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, ayaa beeniyay in shirkoodu yahay mid lagu duminayo xukuumadda jirta islamarkaana lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland.
Dhawr Suldaan iyo cuqaal tiro badan oo ku sugan shirkaas, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Gar-adag, ayaa waxa ay sheegeen in shirkoodu yahay mid dhaqan oo ay beeshu dhexdeeda kaga arrinsanayso, balse aanu ahayn mid siyaasadeed. Waxa ay salaadiintaasi waxba kama jiraan ku tilmaameen shir uu magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar ka abaabulayo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo toddobaadkan ku dhawaaqay in shirka Gar-adag yahay mid siyaasadeed oo wejiyo badan.

Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, oo shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inaanu shirkoodu ahayn mid wax dhibaato ah u leh Somaliland, balse uu noqon doono mid faa’iido u noqon doona maslaxadda iyo horumarka dalka, beeshuna kaga tashanayso danahooda gaarka ah ee dhaqaale iyo horumarineed. “Shirkani maaha mid wax cadaawad ah u leh dawladda, dawladuna waa taayadii aanu dhisanay, waxa shirka ka soo baxayaana maaha wax dhibaato ku ah qaranka iyo umadda. Inankaasi [Buurmadoow] shirka uu waddana annigu ma garanayo meesha uu kala yimid fikirkaas, cidda sheegtay in baabuur tikniko ah la abaabulayana waa cid iyadu wadda, dawladuna halkana way joogtaa oo ciidamadii iyo goleyaashii deegaanka ayaa jooga, waanay ogyihiin waxa meesha ka socda. “
Suldaanku, waxa uu sheegay in warka sheegaya inay beeshaasi diyaarisay tikniko dagaal yahay war dacaayad ah, “Waa war ku kooban cidda sheegtay oo ah dacaayad iyo ceebayn.” Ayuu yidhi Suldaanku.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay salaadiin iyo cuqaal ay ka mid yihiin Suldaan Cabdiraxmaan Qodax, Suldaan Carab Cabdi Cali, Caaqil Abokor Dhuuxyare, Caaqil Cabdigaas, Caaqil Cawli Cabdalla Nuur iyo odayaal kale, waxaanay dhammaantood carrabka ku xejiyeen inaanu shirkoodu ahayn mid lagu waxyeelaynayo qaranimada iyo dawladda Somaliland balse uu yahay shir dhaqan.


Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan (Saleban-Gaal) oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee beelaha Habar-jeclo, ayaa isna gelinkii dambe ee shalay ka ambo baxay magaalada Hargeysa, isaga oo u socdaalay degmada Gar-adag ee shirku ka socdo. Warar xogogaala ayaa Shabakada Hadhwanaag u sheegay inay shirguddoonka shirkaasi u yeedhay Saleban-Gaal iyo siyaasiyiin kale oo beeshaas ka soo jeeda., waxaana shirkaas hore u sii joogay siyaasiyiinta Habar-jeclo oo uu ka mid yahay Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.


C/salan Maxamuuud Ducaale(ilkacase)


Hadhwanaagnews.com/ Burao office


No comments: