Tuesday, August 26, 2008

Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE oo doortay Musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka

(Waridaad)-Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka socda Hotelka Plaza ee magaalada Burco ayaa doortay musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka.
Shirka Golaha Dhexe waxa uu cod aqlabiyad ah ugu doortay murashaxa Madaxweynaha, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo aanay cidi kula tartamin, halka Musharraxa Madaxweynekuxigeenka oo ay 4 musharrax u ordayeen uu cidlo ka qaatay Guddoomiyekuxigeenka 3aad, mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici), kadib markii laba musharrax oo kala ah, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali (Cadami) ay qaaddaceen shirka, isla markaana musharrax, Ismaaciil Muumin Aare uu shirka kaga dhawaaqay inuu ka tanaasuley musharraxnimadii Madaxweynekuxigeenka, taageeradiisana uu ugu yaboohay Cabdiraxmaan Saylici.

Shirka oo ay fadhiyeen 131 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe, waxa ogolaaday musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga, Axmed Maxamed Siilaanyo 129 xubnood, waxa diidey hal qof, cid ka aamustayna ma jirin, guddoomiyuhuna muu codayn. Sidoo kale, Musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga inuu noqdo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) waxa ogolaaday 123, waxa diidey 4, waxa ka aamusay 3, Guddoomiyaha Golaha Dhexena ma codayn.

Shirka waxa kale oo lagu ansixiyey Xeer-hoosaadka Golaha Dhexe iyo qodobo ka mid ah Dastuurka xisbiga oo wax-ka-beddel lagu sameeyey. Qodobada wax-ka-beddelka lagu sameeyey ee Shirku ansixiyey waxa ka mid ah qodob sheegaya in Guddoomiyaha Xisbigu uu xilka Guddoomiyenimo ku wareejinayo Guddoomiyekuxigeenka 1aad muddo bil gudaheeda ah marka uu ku guuleysto Madaxweynenimada.

Waxa kale oo lagu ansixinayaa Guddida Fulinta ee xisbiga oo hadda la magacaabayo.Labada musharrax ee shirka ka baxay ayaa waxa weheliyey ilaa 50 xubnood oo ka mid ah taageerayaashooda.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Burco.

No comments: