Sunday, August 24, 2008

Jama M.Aden (Karaciin) Tababaraha Caanka iyo Guulihiisi Ugu Dambeeyey


(Waridaad)-

Tababare Jaamac Maxamud Aden Geedi - Karaaciin, oo Sudan u soo hooyey biladdii olympiga
(Beijing 2008)
ugu horaysay eey ku guulaysato oo ahayd Silver 800m




Tababaraha Caalamiga ee ciyaaraha orrodada Jama Mohamud Aden (Karaaciin) ayaa mar kale noqday sannadkan mid magaciisu iyo hal-hayntiisu ay ku badatay qaaradaha adduunka ka dib markii uu dhamaaday Ciyaarihii Caalamiga ahaa ee IAAF World Championships ee sannadkan lagu qabtay waddanka Spain, kaas oo guul weyn uu halkaa ku mutaystay. Tababarahani waa mid si weyn ugu caanna sharaf weyna ku mutay soo saaridda dhallin tababar heer sare ah la siiyey.

Jama Karaaciin waxay hibadaa ilaah siiyey iyo khibradihiisa gaarka ah ku tusayaan sida looga jecel yahay waddama uu u noqday tababaraha guud (national head coach) intii uu ka fadhiistay oroddada waqti imika laga joogo labaatan sanno ku dhowaad. Wuxuu Jama tababaray kooxo ka soo jeeda waddama Saudi Arabia, UAE, Qatar, Suuriya, Kenya, Morocco, Spain, Ethiopia, Bahrain, Jordan, Uganda, Cayman Islands, USA, Djibouti, Sudan, Germany, England, iyo Canada; kuwaas oo qaar ka mid ah ay heleen billado kala duwan tan iyo intii uu gacanta ku hayey.

Jama Karaaciin waa nin dhalashadiisu ka soo jeeddo Somaliland gaar ahaan Magaalada Burco. Wuxuu tababaruhu ku sugan yahay intiisa badan sannadkii waddamada uu ku tababaro oo uu ii sheegay in inta badan uu geeyo kooxahiisa oo ka kala socda ilaa 11 waddan dhul uu isagu doorto oo ay ka mid yihiin Sudan, Morocco, Italy, iyo Germany, tasoo ay ku xidhantay buu yidhi hadba xilliyada iyo cimilada ay joogaan, iyo xirfadaha gaarka ah ee ay markaa tiigsanayaan.

Haddaan waxyar ka taabanno xilligii uu jaamac tartami jiray wuxuu guullo dhaxalgal ah ka muujiyey tartamadaa ha noqdaan kuwa lagu qabtay waddankii Somalia, Carabta, Africa, Asia, iyo dhulka Mareykanka oo uu aad ugu soo caan baxay waqtii 80nadii, isagoo ka baxay Jaamacadda Fairleigh Dickinson, markii dambana Graduate study ku qaatay Masters Jaamacadda George Mason University cilmiga Exercise Physiology ee ah khibradda weyn ee tababaranimadiisa ku xidhan. Waxaan jeclay inaan mawduuca ciyaarihii uu ku soo tartamay iyo taariikhdiisa ku muujiyo qoraal kale oo soo socda.

Haddaba guushiisii ugu dambeeysay ee jaamac karaiin uu gaaday waxay ahayd markii bishan March ee 2008 ahayd 9dii ayaa midka mid ah ciyaartoydiisii ka socotay waddanka Sudan uu ku guulaystay orodda dhexe ee 800m, isagoo halkaa ku orday record kii ugu wanagsan sannadka ee 800m. Ninkan dhallinta yar ayaa layidhaa Abubaker Kaki Khamis.

Ciyaarahan caalamigaa ayaa ahaa kuwii 12th IAAF World Indoor Championships oo lagu qabtay magaalada Valencia ee waddanka Spain. Guulo kan ka horreeyey ayay qaar ka mid ah ciyaartoydiisu ka soo hooyeen ciyaarahan IAAF ee World Championships.

Waxaa Jama Aden Karaaciin ilaahay ku manaystay dabeecad wanaag,iyo hibadaa uu ilaah siiyay kuwaas oo u sababay in adduunka meeshii uu cag dhigaba uga muuqdo haday noqoto
tababarnimada ama dad la dhaqankaba. Waxay guushan ugu dambeeysay jama sii xoojisay xilksanimadii, shaqadii, iyo magaciisa oo ka mid noqday tababarayaasha ugu waaweyn ee adduunka qaybta Track and Field ka.
Waxay Jamac iyo cayaartoydiisu guushan u soo jiidaysaa horumar dheeraad ah sida iyagoo hela sponsors waaweyn, iyo contracts badan, sida advertisements ay ka helayaan company da

sameeya qalabka ciyaaraha, iyo jirdhiska.

Issa Awaleh

No comments: