Friday, September 26, 2008

Axmed X. Cali Cadami iyo in ka badan 40 xubnood oo Golaha Dhexe ah oo taageeray go’aankii Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE

(Waridaad)-Hargeysa (Somaliland.org) –Axmed X. Cali Cadami oo ka mid ahaa labadii musharrax ee ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo guddi uu Guddoomiye u yahay oo ay iska dhex doorteen ilaa 50 xubnood oo ka mid ah xubnihii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee raacsanaa labadii musharrax ee ka cadhooday shirkii Guddi ayaa caawa daboolka ka qaaday inay taageersan yihiin go’aamadii iyo talooyinkii ay soo saareen guddidii dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga.

Guddida oo ka kooban 7 xubnood, shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay sheegeen in xubnaha Golaha Dhexe ee ay wakiilka ka yihiin ay ka noqdeen mooshin ay hore u saxeexeen, isla markaana ay u gudbiyeen Shirguddoonka Golaha Dhexe, kaas oo ay ku dalbanayeen kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeedho Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Guddida oo caawa goor dambe shirkooda jaraa’id qabtay, kadib kulan ay yeesheen inta badan xubnihii golaha Dhexe ee raacsanaa labada musharrax, waxa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirkooda jaraa’id Axmed X. Cali Cadami oo ka mid ahaa musharraxiintii Madaxweynekuxigeenka ee ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe, waxana uu yidhi, “Waxaan jeclahay inaan qodobo ka idhaahdo wax dadka gudaha jooga iyo kuwa dibadda joogaaba ee reer Somaliland oo dhami u dhegtaagayaan, beryahakana socdey, la saadaalinayey oo la sugayey in is afgarad ama wax u dhow laga gaadho, dabadeedna guddidii intii awooddooda iyo dedaalkooda ah bay samaysay, way soo saareen, xalay baa labadii dhinacba loo dhiibey.”

Waxana uu Cadami intaa ku daray isaga oo duraya sidii degdegga ahayd ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka mid ah kooxdoodu uga jawaabtey, una deedafeysey go’aankaas, “Waxaa yara fiicnayd in cagta loo dhigo oo marjacayagu wuxuu ahaa in dad shacab badan oo siiba weliba Golaha Dhexe ah in iyaga loola tago, dabadeedna loo sheego oo lagu dul doodo, wixii ka dhimana lagu kordhiyo qoladaa guddida ah ama laga sii wada hadlo. Calaa iyo kulli xaal, annagoo markaa dareensan dadka damqashada ku jirta gudo iyo dibadba, anagoo xog ogaal u ah in aanay ummadda Somaliland xisbi qaran burburkiisa qaadi karin … waxaa khasab noqotay in markaa in badan oo Golaha Dhexe ku jirta oo tiro caga-cagaynaysa 50 qof baa isugu yimi caawa halkan, si wanaagsan baa loo dooday, cid la duray iyo cid wax laga sheegay midna ma jirto, danta guud baa lagu koobsaday, dabadeedna waxa la soo saaray go’aamadan:

In la ayido go’aankii Guddida Dhexdhexaadintu soo saartay. Go’aankaa in la ayido oo jaraa’idka iyo wixii ay qoreen dib loo qoro.

Wixii tabashooyin, sixitaan ee ka dhimman go’aankaa laftiisa in toos loogala doodo hoggaanka xisbiga intii meel kale iyo wakhti kale ku lumi lahaa in halkaa lagu lafaguro oo wixii sixitaan ah halkaa lagu dhammeeyo.

In ka noqosho lagu sameeyo warqad hore oo la qoray oo dalab ahayd oo codsanaysey in Shirguddoonka golaha Dhexe uu shir aan caadi ahayn qabto.

Axmed X. Cali Cadami waxa uu sheegay in qodobadaasi ay yihiin go’aan hordhac ah, isla markaana waxa uu sheegay in la magacaabay guddi la xaajoota, dhammaystirka turxaanbixintana la samayn doonta hoggaanka xisbiga, kuwaas oo ay magacyadoodu kala yihiin:

  • Axmed X. Cali Cadami, Guddoomiye
    Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
    Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijaandhe)
    Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Bidhaan)
    Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)
    Cabdillaahi Jaamac Calas
    Iyo Faysal Daahir Cammuud

    Waxana uu sheegay in ujeeddada loo magacaabay guddidu ay tahay in ay sii wadaan turxaanbixinta, dadka tabashadooda iyo isu soo dabbaalista xisbiga.
    “Cadho waxba tari maysee wadahadal in lagu daalo oo lagu raago oo dabadeedna natiijo ka soo baxdo laga gaadho guddidaas baa loo xilsaaray. Liiska aan sheegay ee aan idhi 50 buu cagacagaynayey isagoo qoran oo qodobaysan oo la hubo in xubnahaasi xubno golaha Dhexe ee KULMIYE ah ay yihiin iyadana waa la soo bandhigayaa dhakhso haddii alle yidhaahdo,” ayuu yidhi mudane Cadami.
    Waxa kale oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxana uu sharraxaad ka bixiyey sababta ay go’aanka noocan ah u qaateen.
    “Waxaanu ka raacnay taa, dalkeena waad arkaysaan xaaladda uu marayo, doorashooyinkii oo foodda inagu soo haya oo diiwaangelintii aad arkaysaan in iminkaba la bilaabay. Annagoo arrimahaas oo dhan xeeriney, ayaa raggii caawa halkaa isugu yimi – malaha maydaan soo gaadhine – la isku raacay oo la yidhi, taa inagoo tixgelinayna oo dadkeenna iyo dalkeena u tudhayna waxaa la sheegay go’aankaa la soo saarayna aynu ayidno, wixii qabyo ah ee sixitaan ah ee dalka iyo dadka u dan ah aynu xisbigeena gudihiisa la tagno,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.
    “Run ahaantii taasi waa bushaaro aanu dadka u soo jeedinayno, waxaanu ka dhaqdhaqaynaa dhawaaqii xalay baxay ee warbaahintu saartay ee naxdinta lahaa ee dadka badani ay nagala soo hadleen,” ayuu raaciyey.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu yidhi oo uu caddeeyey, “Khilaafkayagu, si kastaba ha ahaado, waxaanu caddaynaynaa caawa raggayagaa na soo igmaday ee aanu ka midka nahay uu caawa halkaa nagaga dhammaaday, wixii ka dambeeyana nalagu ogyahay in gudaha xisbigayagii hawlahayaga ka dhamaysano sidaa uu guddoomiyuhu [Cadami] tilmaamay”.

Go’aanka xubnahani waxa uu ka dambeeyey, kadib markii xalay Cabdiraxmaan Aw Cali oo isaguna ka mid ahaa musharraxiinta ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo dhawr xubnood oo weheliyey ay shir jaraa’id kaga dhawaaqeen in aanay aqbalayn go’aankii Guddida dhexdhexaadintu ku soo afjartay khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku qabsaday magaalada Burco.

C/risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: