Tuesday, September 16, 2008

Cabdiraxmaan Aw Cali oo beeniyey inuu la kulmay Riyaale iyo inuu xidhiidh la sameeyey UCID

(Waridaad)- Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa beeniyey inuu la kulmay Daahir Riyaale Kaahin iyo in kooxdiisu xidhiidh baayactan la samaysay xisbiga UCID, waxana uu ku tilmaamay wararkaas oo ay faafiyeen warbaahinta internetka iyo wargeysyada Hargeysa qaarkood been-abuur aanay waxba ka jirin.

Cabdiraxmaan Aw Cali oo xalay telefoonka ugu warramay Wargeyska Haatuf, waxa uu yidhi, “Wararka ay qoreen Website-ka (Hadhwanaagnews) iyo [wargeyska] Ogaal, runtii waa been abuur aanay waxba ka jirin, waana dacaayado rakhiis ah oo ay faafiyeen dad ujeeddooyin kale leh. Warbaahintuna inta aanay wararkan oo kale qorin waa inay xaqiijiyaan oo dee [waxay] ahayd inay aniga wax iga weydiiyaan”.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu sheegay inuu ka mid yahay dadka KULMIYE leh, khilaafka jiraana aanu ahayn mid lagu kala tegayo.

“Annagu waxaanu nahay dadkii Kulmiye lahaa, markaa khilaafkani maaha mid lagu kala tegayo, balse, waa mid lagu toosinayo oo majaraha dimuqraadiyadeed lagu soo dabaalayo xisbiga Kulmiye, taasina waa tan aanu iminka gacanta ku hayno, wayna dhammaanaysaa insha allaah,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Cabdiraxmaan Aw Cali waxa uu ka mid yahay labadii musharrax ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu doortay musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka. Waxaana socda wadahadallo lagu turxaanbixinayo khilaafka iyo cabashooyinka ka dhashay shirkaas.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: