Wednesday, September 24, 2008

Natiijada kulamo qarsoodi ah oo dhexmaray Meles, Rayaale iyo Cabdillaahi Yuusuf

(Waridaad)-Rayaale oo Itoobiya ku qanciyey haddii KULMIYE doorashada ku guulaysto inuu la safanayo Eritrea’

Warbixin sir ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa (American Chronicle/Jam)- Warbixin si qarsoodi ah uga soo baxday xafiiska Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi, ayaa daboolka ka qaaday mowqifka dhabta ah ee dawladda Itoobiya ka taagan tahay midnimada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, kuna noqoto sidii ay ahayd wixii ka horreeyey sannadkii 1991kii.

Warbixintan sirta ah oo laga helay dad ku dhowdhow xafiiska Meles Zenawi, ayaa xustay in aanay haba yaraatee dawladda Itoobiya wax dan ahi ugu jirin Soomaaliya oo noqota dawlad midaysan oo ay gacanta ku dhigaan xoogagga islaamiyiinta ah ee neceb Itoobiya, iyadoo taasina dhaxalsiin doonto inay dhexda u gasho labada dawladood oo cadow u ah, kuwaas oo kala ah Soomaaliya oo dhinaca koonfureed ka xigta iyo Eritrea oo geesta woqooyi kaga beegan.
Warbixin dheer oo uu shalay daabacay wargeyska American Chronicle ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa la sheegay si taas looga hortago uu Meles Zenawi sameeyey horraantii sannadkii 2007 guddi khubaro ku ah arrimaha Soomaaliya oo soo dejiya qorshaha maslaxadda Itoobiya ka tarjumaya ee lagu wajahayo mushkiladda ka aloosan Soomaaliya, isla markaana xal u noqon kara dhibaatooyinka iyo dagaallada dabada dheeraaday ee ragaadiyey dalkaas.

Guddigan oo ka kooban masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga talada haye ee EPRDF, saraakiil millateri, kuwa qaabilsan dhinaca amniga iyo sirdoonka Itoobiya, waxa guddoomiye u ah Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Dr. Alemu Tekede. Khubarradan oo muddo badan kulamo iyo shirar u socdeen, ayaa warbixintu sheegtay in ay aakhirkii u gudbiyeen Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi qorshe ay ka soo baaraandageen, kaas oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Itoobiya aanay wax dan ahi ugu jirin midowga Soomaaliya, sidoo kalena waajib tahay in xukuumadda Addis Ababa hormood ka noqoto sidii beesha caalamku u aqoonsan lahaayeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waaanay guddigani cabsi ka muujiyeen in haddii qorshaha Itoobiya ku taageerayso maamulka Mbeghati uu fashilmo, isla markaana xoogagga islaamiyiintu markale gacanta ku dhigaan Soomaaliya ay taasi horseedi karto weerarro dhinaca diinta ah oo lagu soo qaado dalkooda, iyagoo kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya taageero siin doona muslimiinta Itoobiya, sidoo kalena tallaabadaasi horseedi karto dagaal diineed oo ka dillaaca guud ahaan dalka Itoobiya.

Waxa guddigu nuxurka warbixintooda ku soo ururiyeen baahida loo qabo in la helo Somaliland iyo Soomaaliya oo ah dalal kala madaxbannaan, iyadoo Soomaaliya loo qaybqaybinayo gobollo qaab federal ah u dhisan sida Itoobiya oo kale.

Nuxurka qoraalka guddiga khubarada ahi u gudbiyeen Meles Zenawi oo saddex qodob ka kooban waxa ay kala yihiin:

1- In la sameeyo laba dal oo Soomaali ah oo xuduudkoodu ku salaysnaado soohdimihii gumaysigu dhigay, isla markaana Itoobiya beesha caalamka uga ololayso sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland;

2- In koonfurta Soomaaliya loo kala qaybiyo afar gobol oo federal ah, kuna salaysan qaab isir ah sida Itoobiya oo kale, kuwaas oo kala ah Puntland, Jubbaland, Hawiye-land iyo Raxanweyn-land;

3- In Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya laga go’doomiyo dhinaca Soomaaliya, lana xaddido xidhiidhka ganacsi iyo isu-socod ee u dhexeeya Soomaalida Kililka 5aad iyo dalka Soomaaliya.
Qorshahan oo la sheegay in Ra’iisal-wasaare Meles Zewawi aad ugu guuxay, waa uu kala tashaday madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee dalkiisa, kuwaas oo iyaguna si buuxda ugu taageeray hirgelinta qorshahan cusub ee istaraatajiyadeed.

Waxa kale oo warbixintan sirta ahi xustay in Mr. Zenawi qorshaha uu labada dawladood ugu samaynayo Soomaaliya kala tashaday Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaamiyaha maamulka Mbeghati Mr. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, kadib markuu labada dhinac la yeeshay bishii September 2007 kulamo gooni-gooni ah, waxaanay warbixintu intaa raacisay in Md. Rayaale si weyn ula dhacay qorshaha dawladda Itoobiya ee ku wajahan xaaladda Soomaaliya, isla markaana abaalgud ahaan ugu ballanqaaday Meles Zenawi in Somaliland 10 kun oo ciidamo ah u diri doonto Muqdisho, si ay uga qaybgalaan dedaallada caalamku ugu jiro nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya, isla markaana uu dagaal ku qaadi doono jabhadda o­nLF ee ku dhuumaalaysanaya xuduudka Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, iyagoo cidda ay qabtaanna gacanta ka gelin doona dawladda Itoobiya.

Cabdillaahi Yuusuf, ayaa la sheegay inuu dhinaciisa si weyn uga biyo-diiday qorshahaas, taas oo keentay in marba marka ka dambaysa uu sii xumaado xidhiidhkii u dhexeeyey isaga Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale waxa warbixintu daboolka ka qaaday in Madaxweyne Rayaale iyo Meles Zenawi isla meel dhigeen doorka Somaliland ka qaadan karto daminta kacdoonnada diimaysan ee ka aloosan Soomaaliya iyo Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya; in ciidamo Itoobiyaan ah la dejiyo magaalada xeebta ah ee Berbera si ay ilaalo uga noqdaan saanadda millateri ee Itoobiya uga soo degaysa halkaas, iyadoo taas beddelkeedana dawladda Itoobiya taageero hiil iyo hooba leh la barbar joogsanayso sidii Madaxweyne Rayaale mar labaad xafiiska loogu soo dooran lahaa, uguna guulaysan lahaa doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan horraanta sannadka 2009. Iyadoo intaa kadibna warbixinta sirta ahi sheegtay in Md. Daahir Rayaale u gudbiyey masuuliyiinta Addis Ababa baqdinta ay ka qabaan in Somaliland ku xidhmi doonto dawladda Eritrei oo cadow u ah Itoobiya haddii xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ku guulaysto doorashooyinka soo socda, arrintaas oo Ra’iisal-wasaare Meles walaac weyn ku abuurtay.

Waxa kale oo Itoobiyaanku aaminsan yihiin in jabhadda o­nLF ay taageero laxaad leh ka hesho ganacsatada iyo maalqabeennada Gobolka Togdheer ee Somaliland, halkaas oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jamhuuriya

No comments: