Wednesday, September 24, 2008

Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE oo habeen dambe xaflad caam ah kaga dhawaaqi doono go’aamada ay labada dhinac ku dhexdhexaadiyeen

(Waridaad)-Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga KULMIYE ee ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga ee lagu qabtay magaalada Burco ayaa lagu wadaa habeen dambe inay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan go’aamada ay gaadheen ee ay ku dhexdhexaadinayaan Hoggaanka xisbiga iyo kooxda labadii musharrax ee ka cadhoodhay Shirkii Golaha Dhexe.

Guddidan oo muddo laba toddobaad ah ku hawlanaa kulamo ay la yeelanayeen labada dhinac, iyaga oo dhinac walba dhegeysanayey dooddiisa iyo sida uu u arko in xal loogu helayo tabashooyinka ka soo baxay shirkii Golaha Dhexe iyo natiijadiisii ayaa la sheegay inay soo gebagebeeyeen hawshaas, go’aamo ay ka gaadheenna ay u gudbiyeen labada dhinac, isla markaana ay go’aamadaas kaga dhawaaqi doonaan xaflad guud oo ay isugu keenayaan labada dhinac habeen dambe oo ah habeenka Khamiistu soo gelayso.

Guddoomiyaha Guddida dhexdhexaadinta, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa caawa u xaqiijiyey weriye ka tirsan Somaliland.org, in go’aamada ay ku dhexdhexaadinayaan labada dhinac ay habeen dambe si rasmi ah ugaga dhawaaqi doonaan xaflad ballaadhan oo ay isugu keenayaan labada dhinac, taas oo uu sheegay in saxaafaddana lagu martiqaadi doono munaasibaddaas.

Abwaan Gaarriye wuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah oo intaas dheer ka bixiyo waxa ay yihiin go’aamadaasi iyo guud ahaan xalka ay ka gaadheen arrinta.

C/risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: