Friday, September 12, 2008

Madaxweyne Rayale Oo Socdaal Ku Imanaya Dalka Faransiiska Si Uu Heshiis Ula Saxeexo Shirkad Faransiis Ah Oo Qashinka Ku Daadisa Xeebaha Somaliland

(Waridaad)- Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa Isniinta 15/09/08 soo socota waxuu u duulayaa magaalada Paris France sida aanu ka helnay ilo xogogaala oo arimahaasu mudo la socday iyadoo waftiga ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyada, arimaha debada ,Macdanta Iyo Biyaha.

Sida aynu ognahay waxaa beryahan laga soo sheegayey in khasnadii dowladu ay noqotay mid haawanaysa , iyadoo ay doorashadii kaabiga ina soo saartay sida ay sheegeen ilahanu waxaa dowlada ku qasbanaatay sidii ay dhaqaale ku helilahayd wado kasta ha loo maree , iyadoo ka raacaysa danteeda gaar ahaaneed.

Sidaa daradeed waxaa dhacday shirkad faransiisa ayaa xidhiidh la soo samaysay Dowlada Somaliland ,ayna ka shaqeyeen rag Somaliland iyo Ajaaniba isugu jiraa shirkad ayaa waxaa ay sidataa magaca baadhis Macdaneed oo lagu sheegayo in ay macdan ka baadhayso Xeebaha Somaliland lakiin way ka duwanyihiin arimuhu sidaa loo dhigaayo, iyadoo weftigan Madaxweynuhu ku talo galay inuu heshiis la saxeexdo lacag cash ah ka soo qaadanayo , si uu ugu helo dhaqaale ay baahi u hayso .

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa in xogtani ay ku saabsantahay khiyaamada caalamigaa oo qashinka suntaa loogu waaridayo guud ahaan dalalka soo koraya gaar ahaana dalka Somaliland oo hore uga badbaaday musiibadaa oo u keeneysa dhibaato mustaqbalka Somaliland.
Ujeeddooyinka qoraalkaygan ayaa dhinac ka ah xog iyo xaqiiqo dhanka kalana aan rabaa in xogtaas aan gaadhsiiyo ummadda Somaliland ee dhibku khuseeyo islamarkaasna lagu dhiirri-galiyo sidii ay arrimahaas looga hortagi lahaa.

Waxaan ujeedada qoraalkaygan ku soo koobayaa:

In dadka Somaliland ay dhug iyo dhaayo u yeeshaan waxyaalaha aadka halista ugu keenaya caafimaadka iyo tayada nolosha Somalilanderka hadda nool iyo jiilalka dambe ee soo socdaba iyo guud ahaan saxada degaanka Somaliland bad iyo berriba. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ay maleegaan quwado shisheeye iyo gacan qarsoon kuwaasoo marar badan garab ka hela Madaxda Dalalka Africanka ama kooxo dhuuniqaatayaal ah oo xaqii dadkooda ku tacadiyaya;

Waxay u egtahay in si gaar ah arrimahan waajib uga saaranyahay Barlamaanka Somaliland Gaar ahaan G/Wakiilada oo ay waajib ahayd waxaa uu yahay heshiis kasta oo Ay Dowladu galayso uguna wakiil ahaa shacabka heshiisyada khatarta ku ah Nolosha Dadka Somaliland .

Waa in shirkadan Fransiisku u hogaansantaa Qawaaniinta caalamigaa ee jiray sida Axdiyadii Basel, Bomako, London Convention, heshiiskii LomèIV, kuwa Qaramada Midoobay iyo qaar kaloo badan,

In loo saaro arrintan guddi caalami ah oo qimayn ku sameeya heshiisyada ay dowladu gasho siraha ku duugan oo ah mid had jeer la qariyo oo sharciyad ku salaysnayn Barlamaanka la geyn dhibka ummadda Somaliland iyo degaankooda mustaqbalka dhow iyo kan dheerba ka dhalan kara isla dhibkaas heshiisyada qaar;

In dadweynaha Somaliland, dalka ha jogeen ama dibedda ha joogeene, maanta iyo berriba, ay si adag uga digaan masuuliyoontooda inaan xuquuqdooda lagu xadgudbin oo aanay masuuliyiintaasi marnna ku hamiyin inay heshiisyo aan xalaal ahayn la galaan shirkado iyo quwado shisheeye oo halis gelin kara aayaha ummadda.

Hadalkayga waxaa kaga baxayaa,,,,,, Hays odhan cidi kuma arkaysee Afka Buuxso ,Nin xil Qaaday ,eed qaadyee Hooyaa……..
.
Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi)Birmingham UK

No comments: