Monday, September 08, 2008

Xukuumada Iyo Taageerayaasha Xisbiga UDUB Oo Soo Dhaweeyay Md. C/raxmaan Aw Cali Faarax

(Waridaad)-Soodhawayn ay si xoogan u soo agaasimeen xukuumada iyo taageerayaasha xisbiga talada haya ee UDUB ayaa manta lagala hortagay musharxii lagaga guulaystay jagada maxadwayne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Md. Cabdiraxmaan Aw Cali.
Booqashada Md. Cabdiraxmaan ayaa la sii ogaa maalmahan oo dhan waxana ay dadku carabka ku adkaynayeen in uu iman doono magaalada isaga oo ku biiray xisbiga talada haya ee UDUB, waxase la yaab lahayd oo aad manta ku arkaysay suuqyada magaalada Boorama Calanadii xisbiyada Kulmiye iyo UDUB oo gacan qudha lagu wada hayo oo mataano ah, waxana ay tani dhalisay in si wayn la isku waydiiyo sababta keentay in ay labada urur si fudud ugu midoobaan Boorama.
Dhanka kale ciidamada Booliska ayaa waxa ay si xoogan ugu milmeen soodhawayntan waxana ay ciidamadu manta dhigeen hubkii cuslaa ee ay ku rarnaayeen laba maalmood kahor oo ay is hor taageen taageerayaal soo dhawaynaya Musharaxxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga Kulmiye.
Md. Cabdiraxmaan Aw cali ayaa waxa kale oo uu ku hakaday oo uu ka hadlay xarunta ay xukuumadu gacanta ku hayso ee Khayriyada, waxana hadalkiisii manta jiho wareeriyay taageerayaalsha isu soo baxay oo ay isagaqaldanayd cida lasoo dhawaynayo iyo cida kale waxana aad maqlaysay in ay mararka qaar ku dhawaaqayaan “ Mudane Siilaanyo Guul, hadana ay dhinaca kale ee taageerayaashu ku celinayaa, Md. Cabdiraxmaan Guul.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay oo si wayn oo qiiro ay ku jirto hadalka u balbalaadiyay SuldaanBaade, Ibraahin Magan Nuur iyo Maxamed Daheeye oo maayar ka ahaan jiray magaalada Boorama waxana ay tani astaan u ahayd in uu banaan baxa maantu ahaa mid ujeedooyin badan leh.

Soodhawayntan ayaa waxa ay soo jiidatay indhaha dadwayne faro badan oo iyagu dib u gocanayay sidii ay u dhacday tii tan ka horaysay ee lagu soo dhaweeyay musharaxa jagada M/Xigeenka xisbiga Kulmiye Eng. Cabdiraxmaan Saylici. Dadwaynahan oo u soo dareeray suuqyada magaalada ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah isla xisbiga Kulmiye ee uu katirsan yahay mudanahan ay soo dhawaynayaan ee Cabdiraxmaan Aw Cali waxana aad dareemaysay in ay si wayn isaga qaldan yihiin dadka ujeedada iyo bal sababta loo soo agaasimay banaanbaxan oo ay xukuumadu siwayn uga dhex muuqatay.
Xigasho: Lughaya News

No comments: