Wednesday, October 29, 2008

BREAKING NEWS: Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska UNDP Iyo Safaaradda Ethiopia ee Somaliland Oo Qaraxyo Xoogan Lala Beegsaday

(Waridaad)-Waxa Saaka abaara tobankii (10) subaxnimo ee wakhtiga Hargeysa qarax weyn lala beegsaday aqalka madaxtooyadda Somaliland, safaaradda Ethiopia ee Somaliland iyo xafiiska hayadda UNDP.

Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa ku dhintay qaraxyadaas kala duwan ilaa 20 qof halka ilaa 40 qofna ku dhaawacmeen. Dadka dhintay sida warar kala duwan cadaynayan waxa ka mid ah Md Dahir Ali oo ahaa xoghayihii gaarka ahaa ee Md Daahir Rayale halka isna la sheegayo inuu qaraxaas ku geeriyooday madaxii sirdoonka Gobolka.

Ilaa hadda ma cadda wax war ahna kama soo bixin booliska Somaliland sida qaraxan u dhacay iyo cidda ka danbaysay toona. Hase yeeshe sida muuqata waxa uu u muuqdaa inuu yahay qarax argagixiso.

Xigasho: somaliland.org

No comments: