Friday, October 17, 2008

Laascaanood iyo sanad kadib isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay gobolada SSC.Warbixin

(Waridaad) - Qormeadii: H Diri


Sanad mudo laga joogo maanta 15 Oktoobar ayaa waxa isbedel siyaasadeed ka dhacay gobolada Sool,Sanaag iyo deegaanka Buuhoodle,waxaana isjiitan badan iyo dagaalo goos goos ah oo wakhtiyo kala duwan soo noqonoqday ugu danbayntii la wareegay awooda goboladaas intooda badan maamulka Somaliland,khaas ahaan magaalada ugu weyn deegaamadaas ee Laascaanood.

Hadaba hadaan dib u eegno waxa wanaag iyo xumaan uu dadka deegaanka dhaxalsiiyey isbedelkaas siyaasadeed ee ugu danbayntii isu bedelay mid meletari oo dhex maray maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dadka qaarba ka bixinayaa aragtiyo kala duwan,iyagoo aragtidooda ku cabiraya hadba dhinaca ay labadaas maamula u janjeeraan,taasoo keentay kala qaybsanaan baahsan oo ku timaada midnimadii dadka deegaankaas.

Dadka qaar ayaa u arka in dagaalka iyo siyaasada ka taagnayd goboladaas ilaa wixii ka danbeeyey burburkii dawladii dhexe inuu ahaa mid isireed,oo labada maamul uu midna ahaa mid Hartiyeed,kan kalena uu ahaa mid reer Shiikh Isxaaq,sidaas awgeed uu danbiile yahay ninka taageera ama ka mid noqda maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.Kuwo kale ayaa iyana qaba aragti ah in dagaaladii iyo siyaasadihii ka taagnaa deegaanadaas mudadii umada Soomaaliyeed waydey dawlad u dhaxaysa,ee ay samaysmeen maamulada Somaliland iyo Puntland ay is hayeen laba maamul,dadka deegaankaasina ay kala taageersanaayeen labadaas maamul,arintuna aanay wax qabiil ah shaqo ku lahayn.

Hadaba hadaan bal dib u eegno wakhtigii maamulka Puntland uu gacanta ku hayey goboladaas,ama gaar ahaan magaalad Laascaanood,iyo sanadkii uu maamulka Somaliland ku sugnaa magaaladaas iyo guud ahaanba meelo badan oo goboladaas ka mid ahba,waxaa akhristayaashu ka qaadan karaan fikir laga yaabo inuu ka duwan yahay,sidii la moodayaey,inkastoo ay jiraan dad ka mid ah taageerayaasha labada maamulba oo ah kuwo mayal adag oo aan marnba ka soo debcayn taageerada indho-la'aanta ah ee ay u hayaan "maamulkooda".

Ugu horeyn hadaan is weydiino maxay Somaliland isbedel ah oo ay keentay deegaamadaas?Maxaa wanaag ah oo ay soo kordhisay?Maxaa xumaan ah oo ay la timid?Maxaase kii hore la tegey?iyo weliba su'aalo badan oo jawaabtoodu ay hubo inay tahay xasaasi,balse dadka samaha iyo wanaaga jeceli ay ka qaadan karaan wixii fiican ee ay u arkaan inay danta umadooda iyo horumarka bulshada faa'iido u leedahay,sidoo kalena khasaare u keeni kara dadkaas.
Sidaan wada og nahay 10-kii sano ee uu dhisnaa maamulka Puntland marnaba si buuxda gacantiisa uma wada gelin deegaamada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,waxaana wixii ka horeeyey sanadkii 1998 oo la dhisay maamul goboleedka Puntland,deegaamadaas ka jirey oo keli ah maamulka Somaliland,balse maamulkaasi wax awood ah kuma lahayn deegaankaas.Balse wixii ka danbeeyey aasaaskii Puntland ayaa waxaa goboladaas loo bixiyey "Dhulka ay labad maamul isku haystaan",taasoo keentay xataa in hay'adaha caawiya Soomaalida ay cag soo dhigi waayaan deegaamadaas,wax horumar ah oo ka baxsan ganacsiga dadka deegaanka ahina aanu jirin.Waxaa ku wada sugnaa magaalada Laascaanood iyo badanaa deegaamadaas oo idil laba gudoomiye gobol,iyo laba gudoomiye degmo iyo sidoo kale laba laba nooc kasta oo maamul ah,kuwaas oo midna laga soo magacaabi jirey Hargeysa,ka kalena Garoowe.Waxaa magaalada ku wada sugnaa ciidamo badanaa ka soo jeeda deegaanka oo mushahaarooyin ka qaata labada maamul,waxaana dhici jirtey in ay isu soo hub uruursadaan,oo ay khatar gasho nabada magaalada.

Sanad ka hor waxaa magaalada Laascaanood Hoteeladeeda camiri jirey ciidamada Puntland oo marfashyada iyo makhaayaduhu ka heli jireen lacago badan,maxaa yeelay waxaa fadhisiin u ahayd ciidamadaas magaalada gudaheeda,waxaana yaraa inta xaadiri jirtey goobaha cayiman ee ciidamada.Waxaan shaqayn jirin badanaa hay'adaha dawlada sida Maxakamada iyo hay'adaha kale ee amniga.Waxaa magaalada lala xaragoon jirey hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo isku celcelis ay bisii magaalada Laascaanood ay ka dhici jireen ugu yaraan 2 dil,kuwaas oo u dhexeeya jifooyinka hoose,oo aano qabiil lala xidhiidhin jirey,iyadoo laga yaabo in gacan kudhiiglihii suuqa si xarago ah ku joogo,isagoon wax cabsi ah ka qabin in ciidamada amnigu ka daba yimaadaan.

Dhinaca hay'adaha dadka caawiya ee caalamiga ah,waxaa magaalada ku sugnaa oo keliya hay'ad reer Norwey ah oo la yidhaahdo NPA,iyadoo isku haysashada labada maamul isku haystaan deegaankaas ay dib u dhac weyn u keentay bulshada danyarta ah ee aan ka maarmin caawimo,khaas ahaan waxtiyada abaaraha xumi dhacaan.

Hadaba hadaan barbar dhigno wixii ka danbeeyey 15-kii Oktoobar ee sanadkii hore ilaa maanta isbedelka ka dhacay magaalada Laascaanood iyo badnaa deegaamada gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,waxaa dadku ku sifaynayaan aragtiyo isu dhow,taasoo dad badan qirayaan in waxa ugu muhiimsan ee dadka deegaankaasi helaan ay tahay nabadgelyo buuxda,iyadoo aan haba yaraatee wax dil aano qabiil ahi ka dhicin magaalada ilaa sanadkaas maamulka cusubi la wareegay gobolka.Waxaa la mamnuucay in wax hub ah lala maro suuqa magaalada,oo waxaa laga qaadayaa qofkii shacab ah ee lagu arko inuu hubaysan yahay,iyadoo lala tiigsanayo sharciga,taasoon horey looga badaran deegaankaas.Waxaa wareega suuqyada magaalada ciidamo booliis ah oo wata gawaadhi ay leeyihiin ciidanka booliiska,iyagoo hadba si deg deg ah ku gaadhaya hadba meeshii wax ka dhacaan.Arintaas ayaa waxay magaalada Laascaanood ka dhigtay meelaha ugu amaanka badan gobolada Soomaalida.Bal akhristoow isu bar bar dhig maanta magaalooyinka Garoowe ama Gaalkacyo iyo Laascaanood xaga amniga.

Markaan ka gudubno xaga amniga oo ah furaha nolosha aadmiga,oo hadii nabad la helo waxa kalena ay fudud yihiin,oo eebe umadiisa ugu deeqo hadii ay is amaan geliso,waajibaadkiisana ka soo baxaan,ayaa waxa maamulka Somaliland soo gelitaankiisa deegaankaas ku soo beegmay wakhtiyo kulul oo abaaro iyo sicir barar baahsani ku habsaday guud ahaan dhulalka dadka Soomaalida ama aduunka caam ahaanba,waxaana maamulkaas oo soo jiidanaya dadka deegaankaasi uu idaacadaha ka sheegay balanqaadyo badan oo ay ka mid ahaayeen balanqaadkii madaxweyne Rayaale oo ahaa inuu biyo macaan oo haqab tira magaalada Laascaanood soo saarayo iyo weliba balanqaadkii maamulkaas oo ahaa in ay samaynayaan dhaqaale ururin ay sida ay sheegeen ku horumarinayaan gobolka Sool iyo kuwa kaleba.Hadaba maxaa ka qabsoomay balanqaadyadii madaxda sare ee Somaliland?

Akhrsitoow waxaa xaqiiq ah in bilihii ugu horeeyey ay si is daba joog ah magaalada u imaanayeen madax heer wasiiro ah,iyo masuuliyiin kale oo dhawaaq dheer dadka ugu sheegayey in ay soo wadaan wax inaga maqnaa,balse gabaabsi noqday wakhtiyadii danbe.Waxaa la taaban karaa in maamulkaasi ka taagay 5 ceel oo biyihii qadhaadhaa u bedelaya kuwo macaan,balse aan ahayn ceel weyn oo ah kii Rayaale balan qaaday,inkastoo aad arkayso hawlo ka socda durdurka magaalada dhinaciisa,oo niman cadaan ahi hadba wax ka taagaan,iyo dhisme lagu sheegay inuu yahay meesha ceelku ahaan doono oo hada shaqo ka socoto,balse aan biyo ka soo burqan weli.Magaalada Laascaanood oo ah dhulka soomaalida dhulka ugu biyaha badan ama dhow ayaa hadii ilaa qiyaastii 4 mitir la qodo dhulka hoose waxa soo burqada biyo,taasoo aad ku arkayso in guri kasta hortiisa uu ku yaalo ceel reer walba qotay,waxaana arintaasi ku tusaysaa in reer Laascaanood ay biyo la'aani haynin,balse ay sugayaan horumarinta dhinaca caafimaadka bulshada,dhinaca waxbarashada iyo guud ahaanba dhinacyada arimaha bulshada sidii loo horumarin lahaa.

Runtii waxa magaalada ku soo furmay hay'adihii la odhan jirey dhulkaas ha isku tegina waa laisku haystaaye,oo waxaa magaalada laga furay xafiisyada hay'adaha Care,Red Cross,Red Cressent,Unicef,iyo kuwo kale oo badan.Waxaa hada si caadi ah u socda hawlaha jaamacada Nugaal,iskuulo u xidhnaan jirey dhaqaalo xumo,kuwaas oo aan runtii weli maamulkaas ka helin wax taageero ah oo la taaban karo,balan qaadyo mooyee.

Dad badan oo reer Laascaanood ah ayaa waxay is weydiinayaan meesha uu ka danbeeyey dhaqaale ururiskii maamulka Somaliland sameeyey ee xataa shaqaalaha dawlada mushaharadooda qaar laga soo gooyey,iyo weliba dadka jaaliyadaha dibada,arintaas oo dadka loo sheegay in la horumarin doono gobolada Sool iyo kuwa kaleba,balse ilaa iyo iminka laga sugayo deegaamadaas balanqaadkii ururkii uu madaxda u ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yaasiin.Waxaa deegaankaas ay soomareen abaaro kulul,waxaana yaraa waxa uu maamulkaasi ka geystey biyo dhaamiskii iyo daryeelka dadka abaaruhu aafeeyeen.

Markaan eegno dhinaca dib u heshiisiinta dadka u dhashay ee deegaankaas oo la kala safan labada maamul sidii la isu keeni lahaa,ama shir ay kaga tashadaan aayahooda iyaga oo midaysan loo qaban qaabin lahaa,ayaa maamulku ka gaabiyey arimaha dib u heshiisiinta dadka walaalaha ee kala irdhoobay.Waxaa weli midba meel cadho la joogaa odayaashii madaxda u ahaa dadka dadka deegaankaas,kuwaas oo u arka maamulka Somaliland inaanu wax talo ah weydiin,isla markaana ay door bideen inay tuulooyin iyo meelo ka baxsan deegaankooda sida Garoowe ay fadhiyaan,taasina ay keentay taladii iyo dantii guud ee bulshadu ay laalanto.Waxa waajib ku ah maamulka Somaliland hadii uu rabo inuu deegaankaasi ka sii mid ahaado maamulkooda inay geed hoose iyo mid gaabanba u fuulaan inay kasbadaan Garaadada iyo odayo dhaqameedka kale ee deegaankaas,kuwaasoo ah furaha siyaasada goboladaas.Garaadada beeshaasi waa kuwii diiday in la dulmiyo,wakhtigii xukuumadii hore ee ay dulmiga tirsanayeen beesha waqooyi galbeed,waxaana waajib ku ah sidaasoo kale inay odayo-dhaqamedka iyo waxgaradka Somaliland ay ka hor tagaan in la dulmiyo gobolada SSC,si nabad waarta ay u helaan jiilasha soo socda,nabadna loogu wada noolaado deegaankaas.

Waxaa xaqiiq ah in aan dagaal dhex marin beelaha reer Shiikh Isxaaq iyo Dhulbahante wakhtigii uu maamulkaasi la wareegay Laascaanood iyo deegaamada kaleba,oo aanu jirin in sida Habar-Jeclo ama Habar-Yoonisba ay intay weerar soo qaadeen ay Laascaanood qabsadeen,balse waxa dagaaladu u dhaxeeyeen ama awooda goboladaas la kala wareegay ay yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland,oo wakhtigii Puntland ku awood roonayd deegaamadaasna ay dadka reer Laascaanood badankoodu raali ka ahaayeen oo keeneen,hadana ay u arkeen markii ay dulmi badan iyo waxtar la'aan ay ku arkeen maamulkii hore ay bal eegaan in kani u dhaamo,ayna qabashadii magaalada iyo joogitaanka hada maamulka Somaliland joogo gobolka ay ku tumid rabitaanka shacabka magaalada,iyo maamulka cusub oo ka faa'iidaystay khaladaadkii maamulkii hore,iyo goldaloolooyinkiisii.

Hadaba sanad kadib maxaa xal ah?Waxaa marka aad la sheekaysato odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ay is weydiinayaan sida looga bixi karo kala qaybanaanta dadka deegaankaas,iyo sidii aragti midaysan loo qaadan lahaa,si wax loola qabsado beelaha kale ee deegaamad aku xeeran.Waxaa dadka badankiisu ku doodayaan in madax-dhaqameedkii oo ahaa kuwa lagu baxsado wakhtiyada adag ay ku milmeen siyaasada kala qaybisay dadka deegaankaas, siyaasiyiintiina ay la kala safan yihiin labada dhinac,iyagoo eeganaya dano gaar ah ama mid uu arko in jifadiisa hoose ay halkan kuraas badan iyo sandareerooyin fiican ka helayaan,iyaga oo ilaaway dantii guud ee beesha,oo lagaba yaabo in la abaabulo dagaalo dhexmara beesha dhexdeeda,iyadoo lala kala safanayo labada maamul.Dadka ayaa badankoodu sidoo kale ay xalka u arkaan in bal la eego maamulkan inuu kii hore u dhaami doono,wakhtiga adagna lagaga gudbi karo,balse waxaa mar walba ka awod bata kuwa caadifada qabiilku ay kala weyn tahay dan kasta.

Dad badan oo dhaliila siyaasada Somaliland ee ku wajahan goboladaas aan kor ku xusnay ayaa waxa ay ku doodayaan in beelaha galbeedka Somaliland ay isku koobeen dhamaan xubanaha sare ee xukuumada,sida madaxweyne,ku-xigeen,iyo gole wasiiraba,iyadoo sidoo kale marka aad xataa eegto xisbiyada mucaaradka ay hogaanka sare iyo ku-xigeenadooduba aan laga helayn qof ka soo jeeda gobolada SSC,taasoo ku tusaysa in maamulka Somaliland iska indha-tirayo in maadaama dadka deegaankaas siyaasiyiintoodu aanay horey si xoogan uga qayb qaadan hardanka siyaasadeed ay mudan yihiin in maanta dib loo eego qaabka awood qaybsiga maamulka.

Isku soo wada duuboo waxaa weli taagan kala qaybsanaan iyo kala shaki u dhexeeya siyaasiyiintii,waxgaradkii iyo odayo-dhaqameedkii gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,waxaana dadka siyaasada indha-indheeyaa ku tilmaamayaan,in hadii ay si deg deg ah dhan uun isugu raaci waayeen dadka deegaankaasi ay u horseedi doonaan shacabkooda aayo-xumo iyo nabadgelyo xumo,keeni karta in la isu adeegsado dadka walaalaha ah.
Maamulka Somaliland ayaa weli haytsa jaanisa dahabi ah oo uu ku muujin karo in ay ka dhab tahay in dadka Somaliland ay u siman yihiin maamulka sare iyo kan hooseba,iyadoo aan laga tegayn in lala tashado siyaasiyiinta iyo odayaasha deegaankaas,si loo helo xal waara oo ka duwan ka maanta jira.

Afnugaal News Desk.

No comments: