Friday, October 10, 2008

Koox uu hoggaaminayo Ibraahim Dhegaweyne iyo Xisbiga UCID oo Wadahadal fool-ka-fool ah isku horfadhiistay

(Waridaad)-Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka mid ahaa taageerayaasha Cabdiraxmaan Aw Cali ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku doortay musharraxiintiisa Madaxweynaha iyo M/weynekuxigeenka iyo koox uu hoggaaminayo ayaa maanta wadahadal toos ah la bilaabay xisbiga UCID.

Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa, Muj. Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxda uu hoggaaminayey oo isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin waxa ay hoggaanka xisbiga UCID oo iyana ay weheliyeen odayaal ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi waxay ku kulmeen martiqaad qado ah oo uu xisbigu u sameeyey kooxdaas, Baar Dalxiis, kadibna waxa la sheegay inay wadahadal u fadhiisteen Hotel Ambassador.


Lama garanayo arrimaha ay labada dhinac ka wadahadlayeen iyo waxa ka soo baxay midna.
Hase yeeshee, warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in casuumaddan iyo wadahadalkan laba geesoodka ahi uu ka dambeeyey xidhiidh iyo kulamo si hoose ugu socdey xisbiga UCID iyo kooxda Dhegaweyne, waxaana la sheegay in laba kulan hore ay ka horreeyeen kulankan maanta.
Sida ay wararkaasi sheegayaan Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxdiisu kuma metelayn wadahadalka iyo xidhiidhka xisbiga UCID kooxdii xisbiga KULMIYE ee ka cadhootay Shirkii Golaha Dhexe, balse, waxa la sheegay inay ku socdeen qaab beeleed, wadahadalkuna uu ku salaysnaa, iyada oo arrimaha laga wadahadlayeyna nuxurkooda lagu tilmaamay sidii xisbiga UCID iyo beeshaasi ay wax u wada qabsan lahaayeen.


Wadahadalkan maanta ayaa la sheegay in la isla qaatay iskaashiga siyaasadeed, isla markaana loo ballamay kulamo kale.


Dad xogogaal ah ayaa sheegaya in aanay qorshaha ku jirin in xaflad loo sameeyo ku biiritaankooda xisbiga UCID, balse, ay ku wada shaqeeyaan heshiis iskaashi.


Kooxda uu Ibraahim Dhegaweyne horkacayo ayaa la sheegay inay u badan yihiin koox la baxday “Isbeddel-doonka Habar Awal” oo horraantii sannadkan ku biirtay xisbiga KULMIYE, waxyar ka hor Shirweynihii 2aad ee xisbiga.


Intii ay socdeen wadahadaladii la isugu soo dabaalayey xisbiga KULMIYE, kadib khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ayay soo baxeen warar sheegaya in Kooxda Cabdiraxmaan Aw Cali taageersan oo uu ka mid yahay Ibraahim Dhegaweyne ay xidhiidh baayactan ah la sameeyeen xisbiga UCID, isla markaana ay weydiisteen hoggaanka xisbigaas in uu Cabdiraxmaan Aw Cali u qaato musharraxa Madaxweynekuxigeenka.


Hase yeeshee, warkaas waxa beeniyey Cabdiraxmaan Aw Cali oo ku tilmaamay war aanay waxba ka jirin oo uu sheegay inay fidinayaan dad sii kala fogeynaya xisbiga. Waxana uu sheegay in isagu uu ka mid yahay dadka xisbiga KULMIYE leh, gudihiisana ay doonayaan inay wax ka toosiyaan.


Ma cadda in Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxda uu hoggaaminayaa ay sahan u yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali iyo in gorgortanka ama arrimaha laga wadahadlay uu ku jiro Musharraxa Madaxweynekuxigeenku.


C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: